Degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo alshabab gacanta u Gashay




Sharing is caring!

Waajid ( Mareeg)-Al Shabaab oo dhowr jiho ka weeraray degmadaasi ayaa weeraro kala duwan ku qaaday Saldhigyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ay ku leeyihiin degmadaasi.

Wararka laga helayo degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa ku soo warramaya in  Dagaalyahanada Al Shabaab ay weerar culus ka fuliyeen degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarka uu ku bilowday Madaafiic ay Al Shabaab la dhaceen Xarumaha Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmadaasi ayna xigeen weeraro iyo dagaal toos ah.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in Al Shabaab ay u suura gashay in Saacado ay la wareegaan gacan ku heynta degmadaasi Waajid ee Gobolka Bakool.

Al Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka fuliya Gobolka Bakool ee Koofurta Soomaaliya.

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com