Ciidanka dowlada oo dib ugala wareegeen Alshabaab Degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo c




Sharing is caring!

Wararka naga soo gaarayo degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay baneeyeen degmada Ceel-Waaq oo ay xalay kala wareegeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

 

Al-Shabaab ayaa muddo saacaddo ah ku sugnaa degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo.

 

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa AMISOM ayaa gudaha u galay degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo sida ay Risaala u sheegeen dadka deegaanka.

 

Al-Shabaab ayaa xalay Saqdii dhexe faarujiyay degmada Ceel-Waaq oo ay kala wareegeen ciidanka dowladda Soomaaliya muddo kooban.

 

Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in lagu dilay dagaalkii Ceel-Waaq Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya sidoo kale 4 askari, waxaana jira dhaawacyo soo gaaray ciidanka dowladda Soomaaliya.

 

 

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com