DEG DEG: Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo goor dhow lagu dilay Muqdisho

Sharing is caring!

Kooxo hubeysan ayaa goor dhow ku dilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanka la dilay lagu magacaabo C/llaahi Xuseen Maxamuud, kaasoo dhowaan lagu bedelay aabihii Xuseen Baantuu oo xanuun u geeriyooday bishii April ee sanadkan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo gaari wadatay ay Xildhibaanka toogteen, dabadeedna ay baxsadeen.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Next page