Madaxweynaha Turkiga & wafdi uu horkacayo oo ka degay Muqdisho




Sharing is caring!

Mareeg.com: Waxaa saacaddu markii ay aheyd 11:10 AM ee 25-ka Janaayo 2015 garoonka diyaaradah Aadan Cadde ee Muqdisho soo caga-dhigatay diyaaradda siday madaxweynaha dalka Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan iyo wafdi ballaaran oo la socda.

Waxaa wafdiga madaxweynaha Turkiga garoonka kusoo dhaweeyey madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda kale ee dowladda sida gudoomiyaha baarlamaanka iyo R/wasaaraha.

Markii uu soo degay madaxweynaha dalka Turkiga waxaa la garaacay Heesta Qaranka dalaka Soomliya iyo Turkiga, wuxuuna salaan shaqarf ka qaatay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Turkiga iyo wafdiga la socda oo ay ku jiraan mas’uuliyiin badan oo ka tirsan xudkuumadda dalkaas iyo maalqabeeno madax u ah shirkado waaweyn ayaa kulamo la qaadan doona madaxda dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha dalka Turkiga ayaa booqan doona goobo muhiim ah oo dalka Turkigu dhisay wixii ka dambeeyey sanadkii 2011, xilligaasoo Turkigu Soomaaliya yimaadeen si u caawiyaan dadka Soomaaliyeed.

Goobaha la filayo in madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan uu booqdo ayaa waxaa ka mid ah Isbitaalka wey ee Dekfeer, kaasoo Turkigu dhisay loona bixiyey magaca madaxweynaha dalk Turkiga “Reccep Tayyip Erdogan”.

Wixii soo kordha kala soco Mareeg.com

 

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com