DEG-DEG: Alshabaab oo dib ula wareegay magaalada Marka

Mareeg.com: Al-Shabaab ayaa la wareegay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, saacado yar kadib markii ay halkaas ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Goobjooge ku suga magaalada Marko oo u warramay Mareeg Media ayaa xaqiijiyey inuu arkay ciidamo ka tirsan Alshabaab oo soo galay magaalada kadib markii ay xalay iyo saaka baxeen ciidankii dowladda, kuswii AMISOM iyo maleeshiyo beeleeda halkaas joogay.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay ka soo galeen dhanka bari oo ah halka Marko ka gasho wadada aadda Muqdisho ee marta xeebta Jazeera, iyadoo halkaas iska hor imaad kooban uu ku dhex maray maleeshiyo beeleed dhanka bare ee magaalada ku sugan.

Dadkii magaalada oo markii hore ku xarooday guryahooda ayaa haatan u soo baxay suuqayada, iyadoo xaaladda lagu tilmaamay mid degggan.

Ciidamada AMISOM ee saldhiga ku lahaa deegaanka Ceel-Jaalle ayaa xalay ilaa saakay ka baxayay saldhigaas, waxaana ay u ruuqaansadeen dhanka deegaanka Shalanbood oo ilaa 15-KM dhanka galbeed kaga beegan Marko.

Magaaladan ayaa la daalaa dhaceysay colaad u dhaxeysay labo maleeshiyo beeleed, kuwaasoo ku heshiin waayey maamulka magaalada, iyadoo labadii maleeshiyo beeleedba maanta halkaas Alshabaab ka wada ceyrsaday.

Magaalada Marka oo ah magaalo xeebeed istiraatiiji ah ayaa magaalada Muqdisho u jirta illaa 100KM, waxayna ka mid aheyd magaalooyinkii Al-Shabaab laga saaray sanadkii 2012.

Lama oga waxa ay dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ka dhihi doonaan qabsashada fudud ee Alshabaab kula wareegeen magaalada Marko.

Mareeg Media

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com