Debadbaxayaal careysan oo gubay baarlamaanka dalka Burkina Faso

Mareeg.com: Dibadbaxayaasha Dalka Burkina Faso ayaa dab qabad siiyey dhismaha Barlamaanka iyo xarunta dowlada hoose ee caasimada.

Waxay ka careysanyihiin Madaxweynaha dalkaas, Blaise Compaore oo doonaya in uu kordhisto mudada uu xilka haynayo.

Weriye ka tirsan BBC-da ayaa sheegaya in sidoo kale dab la qabsiiyey xarunta xisbiga talada haya.

Waxa lagu wadaa in Barlamaanka uu u codeeyo isbadel lagu sameynayo dastuurka si markaa ay ugu suurtagasho Mr Campaore uu xilka isu soo sharaxo sanadka soo socda.

Mr Campaore ayaa awooda dalkaasi afgembi kula wareegay sanadii 1987-dii, dhowr doorashooyin kale oo la dhaliilayna waa uu ku guuleystay.

Sharing is caring!

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com