Dagaal laga cabsi qabo in Somaliland iyo Puntland uu dhaxmaro iyo ciidamada Somaliland oo heegan la geliyey, iyadoo?

Sharing is caring!

wararka nooga imanaya magaalooyinka Laascaaanood iyo Ceerigaabo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Somaliland ee ku sugan jiiddaha hore ee deegaanada gobolada Bariga Somaliland ay heegan culus galeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaas ku darayaan in Ciidamadan heeganka culus galay ay dareemayaan dhaq-dhaqaaq iyo farogalin ay damacsan tahay in maamulka Puntland deegaanada xuduudaha ah ee gobolada Sool,Sanaag,iyo Cayn kuwaas oo ay doonayaan inay ka qoraan ciidamo dowladda dhaxe loo sameeyo.

Xogaha ay warbaahinta Allbanaadir.com heleyso ayaa sheegaya in xalay ay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ay ka baxeen dhawr guuto oo ciidamada Somaliland ah,kuwaas oo kusii jeeda deegaanada Xuduudka ah ee Somaliland,waxaana ay ciidamadani yihiin kuwo gaashaamaan.

Ugu danbeyn waxa laga cabsi qabaa in deegaanada xuduuddda ah uu dagaal ku dhex maro ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com