Dagaal Culus Oo Ka Socda Magaalada Buulo-Burde Ee Gobolka Hiiraan




Sharing is caring!

Wararka aan ka heleyno Magaalada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saakay Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Saldhigyada Ciidamada dowlada iyo kuuwa AMISOM ay ku leeyihiin Degmadaasi waxaana weerarka kadib xigay Dagaal xoogan oo ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka ka dhacay Magaalada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan waxaana dagaalku uu qaatay mudo Saacado ah

Isgaarsiintii  Magaalada ayaa guud ahaan saakay hawada ka maqan waxaana si dhab ah loo helli karin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha dagaalkaasi.

wararka laga helaayo meel ku dhaw Buulo-Burde ayaa ku soo waramaya in ay wali xaaladda kacsan tahay oo la maqlaayo Rasaas goos goos ah oo labada dhinac ay is dhaafsanayaan.

Next page

About waashiton 740 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia