Daawo: Xasuuq shalay ka dhacay Masjid ku yaalla dalka Nigeria




Sharing is caring!

Mareeg.com: Warar dheeraad ah kasoo baxaya qaraxyo is xigxiga iyo toogasho shalay lagu qaaday Masjid ku yaalla deegaanka Maraba ee u dhow magaalada Mubi, taasi oo ku taalla soohdinta ay Nigeria la leedahay Cameroon.

Dadka dhintay ayaa garaaya ilaa 80 ruux, halka boqolaal kale dhaawacmeen, kuwaasoo ku jiray Masjid ay ku tukanayeen salaaddii Jimcaha.

Markii ay dhamaatay khudbada ee loo istaagayey salaadda ayaa qof is qarxiyey, mid labaad ayaa is qarxiyey, hadana mid saddexaad ayaa is qarxiyey, waxaana markaas kadib rag masjiidka ku sugnaa bilaabeen iney dadka bastooladu ku toogtaan.

Weerarkaan ayaaney jirin koox sheegatay, hase ahaatee waxaa looga shaki qabaa kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria.

Deegaanka weerarku ka dhacay ayaa waxaa ku badnaa dad taageersan Sultan Muslim ah, kaasoo maalmo ka hor ku baaqay in dagaal lala galo Boko Haram.

Sultan-ka Sokoto, Muhammad Sa’ad Abubakar ayaa ku baaqay in dalka ku nool woqooyiga Nigeria ay dagaal kala hortagaan kooxda mayalka adag ee Boko Haram.

Talaadadii lasoo dhaafay, laba dumar ah oo isku soo xiray walxaha qarxa ayaa weeraray suuq ku yaalla magaalada Maiduguri ee gobolka Borno, waxaana halkaa ay ku dileen dad ka badan 70 qof.

Todobaadkii lasoo dhaafayna, Boko Xaraam ayaa laba weerar ku dishay dad ku dhow 100 qof, kuwaas oo qarkood ay gawraceen, halka kuwa kalana ay ku baqtiiyeen harada Chad.

Hadaba kor ka daawo sawiirada wixii dhacay markii Masjidka la weeraray.

Mareeg Media

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com