Daawo Sawirada: Hub iyo Maandooriye ay soo qabteen Ciidamada Xasilinta oo Muqdisho lagu soo bandhigay

Ciidamada Xasilinta Caasimada ayaa howlgalo ay maalmahan kasameeyeen magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen hub sharci daro ah ,maandooriyaal iyo dad lagu tuhmayo in falal amaan daro ku lug lahaayeen.

Hay’adaha amaanka ayaa maanta dugsiga Tababarka Booliska ee Jen, Kaahiye waxa ay kusoo bandhigeen hub kala duwan iyo maandooriyaal lagu soo qabtay howlgalo ay ciidamada amaanka ka sameeyeen Muqdisho.

Wasiirka Aminga Gudaha iyo Saraakiil kale oo katirsan dowlada ayaa goob joog ka ahaa goobtii lagu soo bandhigayay Hubka iyo waxyaabaha maanka dooriya ay soo qabteen ciidanka amaanka ee ka hoewlgala Muqdisho. 

Saraakiisha dowlada ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu hayo dadkii lahaa hubka iyo waxyaabaha maanka dooriya ay soo qabteen ciidamada amaanka lana horgeyn doono dadkaasi cadaalada.

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com