Daawo Sawirada: Dowlada Somalia iyo ICAO oo ka heshiiyay wareejinta Hawada Soomaaliya

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirta sidii hawada Soomaaliya maamulkeeda loogu soo wareejin lahaa magaalada Muqdisho , waxaana hada meel gabo gabo ah maraya qorshaha wareejinta hawada Soomaaliya.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulisa Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa gaaray magaalada Montreal ee dalka Canada oo xarun u ah Hay’ada caalamiga ah ee adduunka u qaabilsan duulista Hawada ee loo soo gaabiyo (ICAO).

Wasiirka iyo Xubnaha la socda ayaa magaalada Montreal kulan gaar ah kula qaatay xoghayaha guud ee hay’adda duulimaadyada rayid ICAO Dr Fang Lie iyo saraakiil sare sare oo ka socday hay’ada ICAO.

Kulanka ayaana diirada lagu saaray sidii loo dadejin lahaa in maamulka hawada Soomaaliya laga wareejiyo magaalada Nairobi sanadkan gudihiisana maamulka hawada si toos ah loogu soo wareejiyo maagaalada Muqdisho.

Xogahaha Guud ee hay’adda ICAO Dr Fang Lie ayaa sheegtay in sida ugu dhaqsaha badan maamulka Hawada Soomaaliya loogu wareejinayo magaalada Muqdisho lagana rarayo magaalada Nairobi oo sanado badan laga maamulayay.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa dhankiisa sheegay in kulanka uu la yeeshay madaxda hay’adda ICAO uu ku soo dhaamaday guul iyo isgarad ayna rajeenayaan in si deg deg ah ula wareegaan maamulka hawada Soomaaliya.

Ugu Dambeyn Dowlada Soomaaliya iyo Hay’ada ICAO ayaa kala saxiixday heshiiska warejinta maamulida Hawada Soomaaliya , waxaana heshiiskan si wadajir ah u wada saxiixay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Omaar iyo agaasimaha xafiiska farsamda iyo iskaashiga ee ha’ayda ICAO Ivan Galan ,

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com