Daawo Sawirada: Ciidamada dowlada oo xiray Rag burcad ah oo dadka Isbaaro u dhigan jiray

Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay deegaano u dhaxeea Ceel Macaan iyo Degmada Warsheekh ayaa gacanta kusoo dhigay burcad dadka safarka ah isbaarto u dhigan jirtay.

Ciidamada dowlada ayaa soo qabtay labo nin oo la sheegay in ay ahaayeen burcad dadka socotada ah dhibaato u geysan jiray, waxa ay sidoo kale ciidamada ragan burcada ah lasoo qabteen hubkii ay dadku ku dhibaateen jireen.

Ragan burcada ah ayaa lagu eedeeyay in ay jidka u gali jireen dhibaatana u geysan jireen dadka safarka ah, waxaana xogta burcadan lagu soo qabtay bixiyay sida wararka ku helnay dad safar ahaa ee dhibaato gaarsiiyeen.

Labadan nin ee burcada ah ee qabteen ciidamada amaanka ayaa magacyadooda lagu sheegay C/llaahi Muuse Xasan iyo Iidoow Cali Bishaar, ragan ayaana hada ku xiran xabsi gaar ah ay leeyihiin ciidanka milatariga Soomaaliya.

Howlgalo lagu qaadayo isbaarooyinka tirada badan ee lasoo dhigtay gobolada Shabeelaha Hose iyo Shabeelaha dhaxe ayaa waxaa bilaabay taliska ciidanka Milatariga Soomaaliya, waxaa sidan oo kale horey Shabeelaha hoose looga soo xiray rag burcad ah oo isbaaro iyana u taalay.

Sharing is caring!

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com