Cumar C/rashiid oo ka baaqday Safarkii uu ku tagi lahaa Dhuusa Mareeb

Omar ali cabdirashiid sharkarke
Omar ali cabdirashiid sharkarke

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay sababta keentay in Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ay maanta ka baaqday safarkii ay ku tagi lahaayeen magaalada Dhuuso Mareeb ay maamulaan Kooxda Ahlu Sunna.

Kooxda Ahlu Sunna ayaa la sheegay in ay ka biyo diideen in Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ay Dhuuso Mareeb usoo raacaan xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaano, waxaana si gaar ah loo tilmaamay in Ahlu Sunna diiday in uu Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada uu Yimaado Dhuuso Mareeb.

Warar kale ayaa sheegaya in sababta keentay baaqashada R/Wasaaraha iyo wafdigiisa in ay sabab u aheed dib u dhac ku yimid Diyaaradii u qaadi laheed magalaada dhuuso Mareeb, waxaana la flayaa in R/Wasaaraha iyo xubno kale ay gaaraan magaaladaasi maalmaha soo aadan.

Ma jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ku aadan sababta ay maanta uga baaqdeen Safarkii ay ku tagi lahaayeen Magaalada Dhuuso ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Ra’isu; Wasaaraha Soomaliya ay wehliyaan xubno kasocda Urur Goboleedka IGAD ayaa lasoo sheegayaa in ay doonayaan in ay wadahadal ka dhax furaan Kooxda Ahlu Sunna ee maamusha qeybo kamid ah Galgaduud iyo Maamulka Galmudug.

Sida ay sheegayaan wararka wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee tagi lahaa Dhuusa Mareeb ayaa waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Urur goboleedka IGAD, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Ahlusuna ay diiday in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ay wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ka mid noqdaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ahlusuna ay diiday Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Salaad inuu qeyb ka noqdo safarka.

Sidoo kale warar kale oo aanu ka helnay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in dib u dhaca ku yimid uu la xiriiro arrimo farsamo, isla markaana diyaaradii qaadi laheyd maanta ay dib u dhacday.

Wararka ayaa intaa ku daraya in maalinta berri oo Axad ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay u ambabixi doonaan degmada Dhuusa Mareeb.

Dhuusa Mareeb ayaa waxaa maanta ka jiray diyaar garow ku aadan soo dhoweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo lagu waday inay maanta marka ay tagaan magaalada kulamo la qaataan Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusuna.

Maamulka Ahlusuna ayaa sanadkii hore Dhuusa Mareeb uga dhawaaqay Maamul goboleed la magac baxay Gobolada Dhexe, kaasoo sida muuqata ka hor-jeeda Maamulka kale ee Galmudug ee dhismihiisu ay horay u qaadacday Ahlusuna.

Ciidamo ka tirsan Ahlusuna iyo kuwa dowladda ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dagaalamay degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel, waxaana ugu dambeyn degmooyinkaas gacan ku heyntooda la wareegay Ciidamada Ahlusuna.

Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusuna ayaa waxaa ka dhaxeeya xurguf siyaasadeed oo la xiriirta maamulka Gobolada Dhexe, iyadoo dowladda Federaalka ay aqoonsan tahay Maamulka Galmudug.

Sharing is caring!

More from my this site

  • Cadado: Shirka maamul sameynta G.Dhexe oo furmay Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta degmada Cadaado ka furay shirka maamulka loogu dhisayo gobollada Mudug iyo Galgaduud. Furitaanka shirka ayaa yimid […]