Hay’ada Culimada oo cambaareysay weerarkii Gaarisa




Sharing is caring!

Mareeg.com: Shir jaraa’id oo maanta Hay’adda Culumada Soomaliyeed ku qabteen magaalada Muqdisho ayay ku cambaareeyeen weerarkii dhawaan Alshabaab ku qaadeen Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 140 arday ah oo ay ku jireen 67 gabdhood.

Culimada ku mideysan Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dadkii geystay weerarkaasi aysan diinta islaamka ka tarjumeyn.

Wadaadada ayaa ugu baaqay dowladda Kenya inuusan weerarkaas saameyn ku yeelan dadka Soomaliyeed, gaar ahan Qaxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha ku yaalla gudaha dalkaas.

Xubnaha ku mideysan Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ee uu hogaamiyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa soo saaray war-murtiyeed u qornaa sidan:-

Hay’adda Culumada Soomaaliyeed iyadoo gudanaysa waajib caddeynta xaqa iyo difaaca diinta Iyo danaha ummada waxey kasoo saartay weerarkii foosha xumaa ee jaamacadda Gaarisa,

Bayaanka hoos ku xusan:

1- Hay’adu waxey u tacsiyadeyneysaa Xukuumada, shacabka Kenya iyo dhamaan dadkii dhibka ka soo gaaray, Weerarkaas waxashnimo, waxeyna u rajeyneysaa dadka dhaawaca ah in dhamaantood caafimaad deg deg ah alle siiyo.

2- Hay’ada waxey caddeynaysaa in ficilkaas ka soo horjeedo diinta islaamka, akhlaaqda muslimiinta iyo dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida.

3- Ujeedada ficilkaas waa colaad laga dhex abuurayo dadka wada degan, marka waa in laga digtoonaadaa in dabinkaas lagu dhaco , waana in la xoojiyaa wada noolaashaha iyo nabada.

4- Ficiladaasi abtiris diimeed ama dadeed midna malahan, cidna uma turayaan, marka waa in leyska ilaaliyo ficiltanka iyo siyaasaduhu u sahlayo in ay gabaad helaan .

5- Hay’adu waxey u soo jeedineysaa hogaanka Siyaasada dalka Kenya in dhacdooyinkaas ay saameyn ku yeelanin qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku sugan

6- Waxaan ugu baaqeynaa madaxda siyaasada , diinta iyo bulshada ee labada dal in la iska kaashado sidii loo xoojin lahaa nabada loona ilaalin lahaa danta guud

hayada culimada (4)hayada culimada (3)hayada culimada (2)hayada culimada (1)

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com