Ciidanka Dowlada Oo La Wareegay Deegaan 30-KM U Jira Degmada Baardheere

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Dagaal kula wareegay Degaanka Daar-macalin oo 30-KM u jira Degmada Bardheere, inta uu socday Howgalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

Degaanka ay la wareegeen Ciidanka Millitariga ayaa ah degaan istiraatiiji ah, waxaana uu isku xiraa degmooyinka Garbahaarey iyo Baardheere oo ka wada tirsan Gobolka Gedo.

Ciidanka Millitariga gaar ahaan Guutada 9-aad ee Millitariga ayaana Howlgalkaasi ka fuliyay, sida ay sheegeen Saraakiisha horkaceysay.

Gaashaanle Dhexe Maxamed Cadow Cali (Sanka) ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Millitariga ay kala wareegeen Ururka Al Shabaab degaankaasi, isagoo sidoo kale sheegay in Howlgalkaasi ay ku dileen Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Gaashaanle Dhexe Maxamed Cadow Cali (Sanka) Howlgalkan in ay ku soo furteen Hub ay Ururka Al Shabaab lahaayeen

 

Sharing is caring!

Next page

About waashiton 802 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia