Ciidanka DF ee Ceelbuur oo ku dhawaaqay Howlgal ka dhan ah Dhaqdhaqaaqa..

Ceelbuur ( Mareeg)-Col  Maxamed kaariye Dhegadheere taliyaha ciidamada milateriga degmada Ceelbuur oo la hadlay Idaacad maxali ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ay wadaan  qorshe dhaqdhaqaaqa Al Shabaab ka dagaalama ay kaga sifeynayaan bariga Gobolka Galgaduud.

Taliyaha waxaa uu xusay in ay isku kalsoonyihiin ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan islamarkaanay aysan wax shaki ah ka qabin sida uu yiri kasaaridda dhaqdhaqaaqa ka soo horjeeda goobaha degmadaasi ay kaga suganyihiin isagoo intaa ku daray  in  goor dhaw  ay ku dhaqaaqi doonaan howlgalkaasi.

Arintani ayaa imaaneysa xilli  dhawaan saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada qaar ee dalka ay ku dhawaaqeen howlgal ka dhan ah dhaqdhaqaaqa Al Shabaab.

Sharing is caring!

Next page