Ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa Cadaado oo isaga baxay

Ciidamadii Itoobiya ee ka qeyb qaadanayay sugida ammaanka shirkii Cadaado ee lagu dhisay Maamulka Galmudug ayaa gebi ahaanba isaga baxay.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamadan ayaa shalay ka huleelay magaalada, iyagoo ku wargeliyay Maamulka Galmudug inuu u dhamaatay howshii ay u joogeen Cadaado ee dhinacaammaanka ahaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamadan ay aanay markii hore ka mid aheyn AMISOM, waxaana la sheegayaa inay dalbadeen in lagu biiriyo howl galka AMISOM.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada ay gaareen degmada Dhuusa Mareeb ee xarunta Galgaduud, halkaasoo horay Ciidamo Itoobiyaan oo qeyb ka ahaa AMISOM ku sugnaayeen.

Dhinaca kale ciidamada ammaanka Galmudug ayaa la wareegay sugida amniga goobaha kala ah xaruntii Kafaalo, xarunta Madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha.

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaano ayaa ku sugan Cadaado oo xilligan ah xarunta KMG ah ee Galmudug, maadaama Caasimada maamulkaas ee Dhuusa Mareeb ay gacanta ku hayaan Ahlusuna.

Caqabad xaga ammaanka ah ayaa soo food-saartay Maamulka curdunka ah ee Galmudug, iyadoo dhinacna Ahlusuna ka xigaan, dhanna Al-Shabaab.

Sharing is caring!