Ciidamada dowladda oo dagaal rogaal celin ah ku qaaday Guriceel

Mareeg.com: Dagaal xoogan ayaa saaka markale ka qarxay deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaasoo 10-kii bishaan ciidamada Ahlusuna dib ugal wareegeen kuwa dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar culus ku soo qaadeen magaalada Guriceel, oo markii hore ay ka joogeen duleedka Magaalada.

Ciidamada Ahlu Sunna oo magaalada ku sugan ayaa iska caabinaya ciidamada dowladda ee duulaanka ku soo qaaday magaalada Guriceel.

Dhawaqa rasaas xoogan oo aad udhaceysa ayaa laga maqlayaa Magaalada Guriceel oo labada dhinac ay isweydaarsanayaan, inkastoo aan la ogaan karin khasaaraha dagaalka.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka cusub, hase ahaatee waxaa la xusuustaa in dagaalkii dorraad ay ku dhinteen in ka badan 100 ruux oo labada dhinac ah.

Guriceel oo ay horay u maamuli jirtay Ahlsunadda Waljaaca ayaa ciidamada dowladdu ka saareen dhamaadkii sanadkii hore, hase ahaatee 10-kii bishaan Janaayo ayaa Ahlusuna markale dib ula wareegtay.

Mareeg Media

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com