Ciidamada DF iyo AMISOM oo isku fidiyay deegaanno Hoostaga Galgaduud

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Africa ee AMISOM ayaa isku fidiyay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Taliyaah Ciidamada dowladda ee Gobolka Galgaduud Max’ed Kaariye Dhega Dheeereoo warbaahinta la hadlay ayaa  tibaaxay in ay wadaan is ballaaran ayna haatan Ciidamo  fara badan geeyeen deegaanno kala duwan.

“ waxaan ku sheegi karaa in meelaha aan gaarnay ay si nabad ah uga huleelen nabadiidka , kuwa kalana ee ay ku sugan yihiinna aan ku sii socono” ayuu taliyuhu hadalkiisa sii raaciyay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa dagaallo iyo duqeymo waxa ay ka dhacayeen Gobolka Galgaduud gaar ahan deegaannada Gobolkaas ay kaga sugan yihiin dhaq dhaqaaqa Ururka Al Shabaab.

Sharing is caring!

View All