Ciidamada Asluubta oo sheegay in xabsi cusub oo heer caalami ah laga dhisi doono Muqdisho

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa ka warbixiyay xaalada xabsiga dhexe ee Xamar iyo maxaabiista ku jirta, isagoo sheegay in dhowaan Muqdisho laga dhisi doono Xabsi cusub oo la mid ah xabsiyada caalamka ku yaal oo kale.

Jen. Bashiir Goobe ayaa ka deyriyay xaalada xabsiga Muqdisho, isagoo sheegay in ciriiri uu ka jiro qolalka xabsiga, xabsiga oo qeybo ka mid ah bur bursan iyo in aanay maxaabiista helin daryeel joogta ah.

“Qofka Maxbuuska daryeel fiican ma heysto, xabsiga oo ah qolalkiisa kuwa ciriiri ah, sidoo kale qeyb ka mid ah ayaa bur bursan, waxaa jirta in qofka maxbuuska ah maalintii uu saddex liitar biyo ah helo, ma isaga cabo, maku weyso-qaataa, mise dharbuu ku dhaqdaa”ayuu yiri Jen. Bashiir Goobe oo marti ku ahaa barnaamijka jimcaha ee Radio Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sidoo kale xabsiga ay isku qol ku jiraan dadka dambiyada yar yar galay iyo kuwa falal dambiyeedyada culus galay, isagoo si gaar ah u soo qaatay dadka lagu soo eedeeyo Al-Shabaabnimo iyo dadka caadiga ah inay isku qol ku wada jiraan.

Jen. Bashiir Goobe ayaa sheegay in dhowaan ay rajeynayaan in Muqdisho laga dhiso xabsi, waxaana uu tilmaamay in mashruucaas ay gacanta ku hayaan.

“Dhowaan waxaa Muqdisho ka dhisi doonaan xabsi la mid ah kuwa caalamiga ah, xabsigaas qeybo badan ayuu noqon doonaa, sida Taliskii Asluubta oo xarun ku yeelan doonto, Maxkamadaha oo iyana xarun ku yeelan doono iyo qeybo kale, waxaaba u maleynayaa in xabsigaas oo noqdo sida Hotelada Five-Star oo loo soo nasasho doonto”ayuu yiri Jen. Bashiir Goobe oo dhoola cadeynayay.

Xaalada Xabsiga dhexe ee Xamar oo ah xabsiga kaliya ee dadka la xukumo lagu xiro ayaa waxaa horay uga deyriyay xaalada nolosha ee maxaabiista, iyadoo maxaabiista ay ku dhacaan cuduro ka dhasha nadaafad darrada iyo kuwo kale

Sharing is caring!

Next page