Cali Khaliif Galleyr oo 12 sano ka dib ku laabtay Laascaanod si diiran loogu soo dhoweeyey (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galayr iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool oo haatan maamulkeedu hoos tago Somaliland.

Cali Khaliif ayaa waxaa magaalada laascaanood ugu dambeysay 12 sano ka hor.

Masuuliyiin, waxgarad iyo shacab fara badan ayaa Garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey iyagoo watay Calanka Soomaaliya iyo kan Khaatumo ayayna wateen taasoo ah wax ku cusub degaanada hoos taga Somaliland maadaama aan laga ogoleyn calanka Somalia.

Hadal kooban oo uu warnaahinta siiyey ayuu ku sheegay inay u socdeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen xaaladaha colaadeed ee ka jira gobolka Sool qaybo ka mid ah, isagoo dhinaca kale xusay in wadahadaladii ay la lahaayeen Somaliland uu qorshihiisu ahaa inay u wadahadlaan sidii laba maamul, balse kama muuqato Somaliland ayuu yiri.

Cali Kahliif Galayr oo ay weheliyaan xubnihii maamulkiisa uga qayb galay shirkii wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo ee ka dhacay Jabuuti ayaa u baqoolay dhinaca magaaladda Widhwidh boqol Km galbeed kaga aadan Laascaanood.

Dadweyne kale oo qorsheyayey iney dibed bax ka dhan ah Cali khaliif ka dhigaan magaalada Laascaanood ayaa waxaa la sheegay iney ka hortageen ciidamada Somaliland ee halkaas maamula.

Gudoomiyaha Maamulka Somaliland Gobolka Sool, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Wasiiru duulaha Waxbarashada ayaa halkaas ku soo dhoweeyey Cali Khaliif Galayr iyo wafdiga uu horkacayo.

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com