Cabdi Qeybdiid: Looma dhama shirka Villa Somalia

Mareeg.com: Madaxweynaha maamul goboleedka GALMUDUG, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa sheegay in shirka ay Muqdisho ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda maamullada Puntland, Jubaland iyo Koonfurta Soomaaliya uu yahay mid aan loo dhameyn, islamarkaana uusan aqbali doonin wixii go’aano ah ee kasoo baxa.

Cabdi Qeybdiid oo ku sugan Muqdisho, ayaa warbaahinta u sheegay in shirka lagu casumay qaar ka mid ah maamul goboleedayada, lagana tegay Galmudug uu yahay mid aan sharci aheyn sida uu yiri.

“Shirka ka socda Muqdisho waxaa ka maqan maamulka Galmudug oo ka mid ah maamuladdii wax ka saxiixay hanaankii looga gudbayey KMG, marka ma aqbali doono wax kasta oo shirkaas kasoo baxa, maadaama aan nagala qeybgelin” ayuu yiri Qeybdiid oo la hadlay VOA.

Dhanka kale, Cabdi Qeybdiid ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya iney caga jiidineyso shirkii lagu dhisi lahaa maamulka gobollada Dhexe ee dalka, kaasoo ay ku midoobayaan Galgaduud iyo Mudug.

Mareeg Media 

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com