Britain oo danjire cusub usoo magacaawaday Soomaaliya

Mareeg.com: Dalka Britain ayaa danjire cusub u soo magacaabay Soomaaliya, iyadoo dalkaas yahay kan kaliya ee reer Yurub ee safaarad toos ah ku leh Muqdisho.

Danjire Harriet Mathews ayaa loo magacaabay safiirka cusub ee dowlada UK ee Soomaaliya, waxayna haweeneydaani bedelaysaa danjirihii hore, Neil Wigan oo ahaa safiirkii iyada ka horeeyay.

Dowladda Britain ayaa sheegtay in Neil Wigan loo bedeli doono shaqo diblomaasi oo kale, waxaa danjiraha cusub Mathews ay si rasmi ah shaqadeeda ula wareegi doonta bisha Juun ee soo socota.

Mathews waxaa ay wasaarada arrimaha dibadda ku soo biirtay 1997-dii, iyadoo hadda madax ka aheyd waaxda la dagaalanka cudurka Ebola.

Danjire Mathews oo ah qof aqoon duruqsan u leh arimaha Afrika ayaa waxaa ay ka soo shaqeysay sadex goobood oo Qaaradda Afrika kamid ah sida iyadoo madax ka noqotay xafiisyada Bariga iyo galbeedka Afrika ee dowladda Uk.

Danjiraha cusub ee dowladda Uk ee Soomaaliya Ms Mathews ayaa sidoo kale waxaa aya ka soo shaqeysay xafiiska arrimaha dibadda ee UK wadamada ay kamid yihiin Brazil, Israel and Afghanistan.

“Waan ku faraxsanahay in la ii magacaabo safiirka UK ee Soomaaliya, waxaan u shaqeyn doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Ingiriiska, Boqortooyada Ingiriiska waxaa aan u ahay qofkii ka caawin lahaa sidii Soomaaliya loogu soo celin lahaa nabada iyo deganaanshaha, tanina waa fursadii aan shakhsiyan ugu qeyb qaadan lahaa horumarkaasi” ayay tiri Ms Mathew.

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com