Boko Haram oo 500 caruur ah ku afduubtay Nigeria

Mareeg.com: Kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram ee dalka Nigeira ayaa afduubay ilaa 500 oo carruur ah, ka hor inta aan laga saarin magaalada ku taalla woqooyiga dalkaas ee Damasak.

Qof ganacsade ah oo ka mid ahaa dadkii deganaa magaalada ayaa wakalaadda wararka Reuters u sheegay in Boko Haram horay u kaxeysatay ilaa 500 caruur ah, ka hor inta aan ciidamada Niger iyo Chad aysan magaalada ka saarin jabhaddaas.

Ma jiro war rasmi oo kasoo baxay dowladda Nigeria oo xaqiijinaya tirada carruurta ah ee Boko Haram halkaas ka afduubtay, hase ahaatee jabhadaas ayaa sanadkii hore afduubtay in ka badan 200 oo gabdho ah.

Boko Haram ayaa rabta iney dowlad Islaami ah ka dhisto woqooyiga dalka Nigeria, waxeyna inta badan carruurta ay afduubtaan ka dhigaan askar, halka gabdhahana ay u guuriyaan ciidankooda.

Mareeg Media

Sharing is caring!

View All

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com