Boko Haram: Gabdhihii qafaalnaa waa la guursaday




Sharing is caring!

Mareeg.com: Kooxda Boko Haram ee dalka Nigeria ayaa beenisay in ay heshiis xabad joojin ah la gashay dowladda Nigeria.

Xukuumadda Nigeria ayaa todobaadyo ka hor shaacisay in ay xabad joojin la gashay Boko Haram.

Vidiyow cusub ayey kooxda soo saartay, Afhayeenka kooxda oo ka soo muuqday vidiyowgana waxa uu sheegay in la guursaday dhamaan gabdhihii ka badnaa 200 ee ay kooxda afduubay bishii 4-aad ee sanadkan.

Gabdhahaas oo laga afduubay Waqooyi Bari ee Dalka Nigeraia, ayaa kooxda Boko Haram waxa ay sidoo kale sheegtay in ay gabdhahaasi qaateen diinta Islaamka.

“Miyaydaan Ogayn in Gabdhihii Iskuulka Magaalada Chibok ay qaateen Diinta Islaamka, waxay hada xafideen laba Jis oo Qur’aanka Kariimka ah” ayuu Hogaamiyaha Boko Haram ku yiri Muuqaal ay heshay AFP.

Waxa uu intaasi raaciyay Abubakar Shekau “Dhamaantood Hablaha waa la guursaday,waxayna joogaan Gur yahoodii lagu guursaday”.

Boqolaal dumar ah ayey kooxdan ka afduubatay dalka Nigeria tan iyo 2009-kii, waxaana Boko Haram bayaan horay usoo saartay ku sheegay inay  adoon ahaan u Iibin doonaan Gabdhahan, iyagoo sidoo kale ku sheegay inay ku bedelan doonaan Maxaabiis ka xiran.

Mareeg Media

 

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com