Baarlamanka Soomaaliya oo ka doodaya Xeerka Doorashooyinka

Mareeg.com: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho, ayagoo uga hadli doona sharciyada Xeerka Doorashooyinka iyo Hanti-dhowrka Qaranka.

Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sheegay in akhrinta saddexaad ay marayaan labadaasi sharci, ayna suurta gal tahay in isla maanta ay  cod u qaadaan xildhibaanaddu.

Guddiyada maaliyadda iyo doorashooyinka ee baarlamaanka ayaa gacanta ku hayaha labadan sharci oo lagu soo daray agagtiyadii ka soo baxay akhrintii 1aad iyo 2aad ee ay mudaneyaasha baarlamaanku horay ugu sameeyeen xeerarkaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa horay xildhibaanada uga codasaday in kalfadhigaan lagu meel mariyo labadan sharci oo muhiim u ah dalka xilligaan la doonayo in 2016-ka doorasho laga qabto waddanka oo dhan.

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com