Baarlamanka oo ansixiyey guddiga madaxa babaan ee doorashooyinka

Mareeg.com: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyeen Hindise sharciyeedka Dhismaha Gudiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo qaraaro ku saabsan Taagerida xawaaladaha Soomaalida Mareykanka iyo ku dhaqanka Qorista Af Soomaaliga iyo keydinta soo jireenka Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa ayaa waxaa ay Cod aqlabiyad ah ku ansixiyeeen hindise sharciyeedaas oo uu ka mid yahay Gudiga Madaxa banaan ee doorashooyinka.

Gudiga doorashooyinka asina waxaa horyaala howlo adag maadaama qorshuhu yahay in dalka doorasho ka dhacdo marka la gaaro 2016 ka  marka uu dhamaado waqtiga dowladda hadda jirta.

Dhanka kale, Mudanayaasha Golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta waxa ay soo gaba gabeeyeen kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka iyagoo galaya fasax 2 bilood ah.

Gudoonka baarlamaanka Somaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka codsaday Xildhibaanada in inta fasaxa ay ku jiraan  ay booqdaan gobolada iska markaana la soo ogaado xaalada bulshada gobolada iyo baahiyaha ay qabaan.

Mareeg Media

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com