Askari ka tirsan milateriga Soomaaliya oo isku dhex dilay xabsi ku yaalla Muqdisho




Sharing is caring!

Mareeg.com: Askari ka tirsan milateriga Soomaaliya oo ku xirnaa xabsi ku yaalla xarrunta Villa Baydhabo ee looga taliyo ciidanka xooga dalka ayaa is daldalay kadib markii uu halkaas muddo dheer ku xirnaa.

Askariga oo magaciisa lagu sheegay jiray Cali Gamuute, ayaa la tilmaamay in qolkii uu xabsiga kaga xirnaa uu isku dhex daldalay, iyadoo aan laga warheyn.

Gamuute, ayaa waxaa la sheegay in muddo sanado ah uu ku xirnaa xabsigaasi, waxaana la sheegay inuu cuqdad ka qaaday isagoo aaminay in xabsiga lagu iloobay.

Villa Baydhabo oo ah Xarunta Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, ayaa waxaa ku dhex yaalla xabsi qaab dhaqancelis ahaan loogu xiro Ciidanka Militariga, ee falalka dhaqan xumada lagu helo.

Mareeg Media

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com