AMISOM: Col Xumud nooma aha Afhayeen!

Mareeg.com: War kasoo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaalia (AMISOM) ayaa lagu sheegay in Col. Cali Aadan Xumud oo ahaa Afhayeenka AMISOM uusan haatan wixii ka dambeeya ku hadli karin magfaca ciidamadaas.

Qoraal ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in Cali Aadan wixii hada kadib oo uu sheego ay isaga u gaaryihiin, isla markaana aanay ka turjumeyn warkiisa mowqifka AMISOM.

“Howl galka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxaa jeclaan laheyn in aan cadeyno in Colonel Ali Aadan Xumad aanu aheyn Afhayeenka AMISOM”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM.

AMISOM ayaa sheegtay ineyiska fogeyneyso war kastoo ka soo baxa Col. Cali Aadan Xumad, ayna beri ka tahay.

Sidoo kale waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in wixii hada ka dambeeya arrimaha AMISOM wax laga weydiin doono Eloi Yao.

Ma sheegin AMISOM sababta degdega ah ee ay shaqada uga joojiyeen Col. Xumud, hase ahaatee arrintaan ayaa kusoo beegantay kadib markii khamiistii Alshabaab weerar ku qaaden xarrunta AMISOM ee Xalane, iyadoo weerarkaas lasoo afjaray shalay suba jimcihii.

Col. Xumud ayaa la sheegay inuu siyaabo kala duwan ula hadlay wakaaladaha Wararka, waxaana arrintaas dhibsaday howlgalka AMISOM.

Col. Cali Aadan Xumad ayaa ka mid ah saraakiisha Jabuuti ee ka midka ah howl galka AMISOM, waxaana xilka Afhayeenimo loo magacaabay bishii July ee sanadkii 2012, xilligaasoo uu Afhayeenimada kala wareegay Col. Paddy Ankunda oo u dhashay dalka Uganda.

Mareeg Media

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com