Shabaab oo weli ka dagaalamaya Jaamacadda Gaarisa

Mareeg.com: Waxaa weli Jaamacadda Gaarisa gacanta ku haya rag ka tirsan Alshabaab, kuwaasoo saaka xilligii salaadda subax gudaha u galay Jaamacaddaas.

Ilaa hadda daka ku dhintay weerarkaas ee la xaqiijiyey ayaa gaaraya 17 ruux, waxaana dhaawacu ka badan yahay 50.

Alshabaab ayaa sheegay in sababta ay u weerareen Jaamacadda Gaarisa ay tahay iney halkaas wax ka bartaan arday badan Kiristaan ah.

Arday kasoo baxday Jaamacadda ayaa sheegay in ragga Alshabaab ah ee halkaas galay ay kala saarayeen ardayda oo ay dilayeen kuwa kiristaanka ah.

Howlgalka ayaa weli socda, waxaana wasiir Amniga gudaha Kenya, Joseph Nkaissery sheegay inuu rajeunayo in saacadaha dhow lasoo afjaro, iyadoo Gaarisa la geeyey ciidan badan oo ah kuwa la dagaallama argagixisada.

Dhanka kale, dadka ku nool magaalada Gaarisa ayaa ku sugan guryahooda, iyadoo maanta uusan halkaas ka jirin wax ganacsi ah.

Kenya ayaa horay isaga dhega tirtay digniin ka timid qaar ka mid ah dalalka reer Galbeedka, taasoo lagu sheegay in laga yaabo in Alshabaab weeraraan goobo waxbarasho.

Dowladda Kenya ayaa aaminsan iney weerarada ka dhaca Gobolka Woqooyi Bari soo abaabulaan labo nin oo lagu kala magacaabo Gacmadheere iyo Cali Imaan.

Mareeg Meida

Sharing is caring!

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com