Alshabaab oo guul weyn ka sheegtay dagaal ka dhacay gobolka Baay

Ururka Al-shabaab ayaa sheegay inay dileen 30 ka tirsan ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah kuwa Amisom, kuwaasi oo marayay tuulada Jameeco oo qiyaastii 20 km dhinaca bari ka xigta magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay.

Iskahorimaadka oo bilowday galinkii dambe ee shalay soona gaaray maanta barqadii ayaa la isu adeegsaday hub cuslus, iyadoo dadka deegaanku sheegeen in ay maqlayeen rasaas noocyo kala duwan oo tan iyo shalay si goos goos ah uga dhacaysay halkaasi.

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab ayaa sheegay in ay weerarkaasi ku dileen tobanaan ka tirsan ciidamada Amisom, kuna gubeen tiro gawaarida dagaalka ah, walina ay isku horfadhiyaan halkii uu dagaalku ka bilowday.

Illaa iyo hadda ma jiraan wax war oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Amisom oo ku saabsan dagaalkaas Alshabaab guusha weyn ka sheegteen.

Sharing is caring!

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com