Akhri: Xal siyaasadeed oo laga gaaray muranka siyaasada Somaliland

Mareeg.com: Fadhi ay wada jir u yeeshaan labada gole baarlamaan ee Somaliland guurtida iyo wakiilada, ayaa lagaga dhawaaqay xalka murankii siyaasadeed ee ka dhexeeyay golaha wakiilada.

Fadhigan oo ka qabsoomay aqalka guurtida ayaa Guddida dhexdhexaadintu ku soo bandhigtay todoba qodob oo ay xal u arkeen, kuwaasi oo labada dhinac ee wakiiladuna aqbaleen.

Qodobada Guurtidu soo saartay waxaa ugu  muhiimsanaa:

– In la laalay Mooshinkii Xilka lagaga qaadayay Gudoomiye Cirro, Mooshin dambena laga keenayn inta Dastuurku u ogolyahay Musharax Madaxweyne inaanu xilkale hayn karin.

– In Xeerka Diwaangalinta Madaniga iyo Codbixiyeyaasha Guurtidu saxdo si loo dhawro wakhtiga.

– In Xukumaddu dhawro Xasaanada Xildhibaanada, XIldhibaanaduna iska ilaaliyaan faldambiyeedyada.

– In Dhamaan Asxaabtu joojiso wax u muuqan kara Olole Siyaasadeed inta laga gaadhayo Ololaha Doorashada.

SIdoo kale Guurtidu waxay sheegtay inay caddaatay in Gudoomiye Cirro laaxin galiyay, waxna ka bedelay xeerkii Goluhu ansixiyay ee Diwaangalinta Codbixinta iyo muwaadinka.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa gabagabadii kulanka ka sheegay inuu aqbalay Go’aanka Guurtida, isagoo sheegay in danta guud kala weyntahay dantiisa gaarka ah iyo kursiga uu fadhiyo.

Sidoo kalena gudoomiye xigeenka 1-aad Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay inuu isna aqbalay go’aanka inkasta oo Guurtidu aanay sharciga marin. fadhiga ayaa ku dhamaaday si niyad samaan ah, iyadoo aanay jirin cid ku gacan saydhay go’aanka guurtida.

Dhawaan ayaa waxaa qaar ka mid ah xildhibaanada Somaliland diyaariyeen mooshin ka dhanka gudoomiyahooda, C/raxmaan Cirro hase ahaatee kulanka ayaa la baajiyey kadib markii Golaha Guurtidu arrinta soo kala dhex galeen.

Xigasho: Ramaas News

Sharing is caring!

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com