Akhri: Wasiirada xukuumadii baarlamanku riday oo safarka laga mamnuucay

Mareeg.com: Xafiisyada Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Hanti Dhowrka Guud Qaranka ayaa soo saaray amar wasiirada xukuumaddii baarlamaanka Soomaaliya shalay riday looga mmnuucayo iney debadda u safraan.

Labadan xafiis ayaa sheegay iney go’aan soo saarreen si loo baajiyo lunashada hantida qaranka iyo tan dadweynaha iyo la suurageliyo xil wareejin sharci ah.

Wasiirkii, wasiir ku xigeenkii iyo wasiiru dowlihii doonaya inuu safar lama huraan ah aado ayaa lagu amray inuusan bixi karin ilaa uu ogolaasho ka helo xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Hadaba kor ka aqri qoraalka kasoo baxay xasiiyada Xeer Ilaalinta iyo Hanti Dhowrka Qaranka oo ay ku saxiixan yihiin Axmed Cali Daahir iyo Nuur Jimcaale.

Inta badan wasiirada is badela xukuumadaha Soomaaliya ayaan sameyn jirin xil wareejin qaanuuni ah, waxaana marka xukuumad dhacdo la lunsan jiray hanti badan.

Mareeg Media

Sharing is caring!

View All

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com