Afhayeenkii ciidanka Booliska dalka Ugandha oo saaka toogasho lagu dilay (Daawo Sawirro)

Sharing is caring!

Afhayeenkii ciidanka Booliska dalka Ugandha Andrew Felix Kaweesi ayaa saaka lagu dilay magaalada Kambala ee caasimada dalkaas.

Andrew Felix Kaweesi ayaa lagu dilay meel ku dhow hoygiisa ka dib markii gaari uu la socday lagu furay rasaas arxan la’aan ah.

Kooxaha weerarka geystay ayaa baxsaday, waxaana la dhintay afhayeenka darawalkiisa iyo dad kale oo la saarnaa gaarigiisa sida wararku sheegayaan.

Ciidamada amaanka wadankaas ayaa goobta xiray, iyadoo dowlada wadanka Ugandha ay sheegtay in la baarayo weerarkan oo saaka si weyn looga hadal hayo guud ahaan wadankaas.

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com