|
ska Key Illow!
(Sheeko jaceyl)
Qeybtii 2-aad
………Jawaabtii
aan ka helay waxay noqotay ilmo indhaheeda mar qura kasoo dareeray...naxdin
anigii, anfariir baan qaaday, waxaan sheegana waan garan waayay, il
biriqsiyo yar markii aan aamusanaa, baa aniga oo hadalka gef gefaya,
cabsina ay iga muuqato, waxaan iri "een…een, abaayo iga raali noqo,
hadii aan wax qaldan ku dhahay, ama talaabo qaldan ku dhaqaaqay, markaas
bay iyada oo qar qareysa cod naxariis leh oo wadnaheyga gil gilay igu
tiri "Illaah indhaha kuuma siin inaad ku jees jeesto, anigana iima tirin
qalad aan galay, ee waa cibra qaadasho, inaan waxba arag oo aan meel aan
u dhaqaaqo garaneyn waad aragtaa markaas baad qeylo dhegaha iiga
jebineysa".
Markii ay intaasi afkeeda kasii idlaanayeen, aniga waxaan lumiyay
hadalkii, naxadintii i heysana kun jeer bay jibaarantay, wax aan sameeyo
baan garan waayay, waxay igu noqtay arrin aanan filaneyn iyo anfariir,
mar waxaan ku dheygagay quruxdeeda marna waxaan qalbiga iska dhahay "Alle
adoo kale sidan kuma aadan wanaagsaneyn", waxba yaanan hadalka kugu
daalin'e, daqiiqado markii aan xaaladaas ku sugnaa, baan inta safaleeti
jeebka iigu jiray lasoo baxay, isku dayay inaan ilintii ka tir tiro,
aniga oo dhahaya "waan ku baryayaa iga raali noqon sida xaalkaagu yahay
iyo sidaan maleeyay waa laba kala fog".., balse mar Alaale markii aan
Isheeda bidix ku bilaabay inaan ilinta ka tiro bay inta gacanteeda iska
qabatay iska tuurtay.
"Abaayo ma qalad kale baan galay hadana" baan ku iri. "maya…qalad maadan
gelin" ayay iigu jawaabtay. "oo maxaad waayahay'e gacanteeda isaga
filiqday" baan hadana weydiiyay, intaa kadib bay ayada oo aad moodo inay
waxooga degtay, islamarkaana gacanteeda ilinta isaga tireysa igu tiri "Waxaan
diidayaa inaan galo riyo maalmeed been ah, naxariistan oo kale weligey
ma arag, mana doonayo inaan gudo galo wax ku kooban il-biriqsiyo".
Erayadaasi waxa ay noqdeen kuwa aan ka calool xumaaday, waxaana ay ii
sawireen dhibka iyo nolosha liidata ee gabadha, si kastaba, aniga oo
isku dayaya inaan qalbiga u hagaajiyo, kana saaro cuqdada, baan ku iri
"Maya, saas ha oran, wax walba oo ku heesta way qornaayeen, waxa iman
doonana way qoran yihiin, iska saar cuqdada, naxariistan iyo mid ka
badanba waad heli kartaa, ee qalbiga kheyr u sheeg", "Waad mahad san
tahay" ayay si kooban ii tiri.
Intaas kadib waxaan bilaabay inaan furo isbarasho aniga iyo ayada ah,
aniga oo hadalka ku bilaabaya "Barasho wanaagsan abaayo, magaceygu waa
Xamza, waxaan deganahay xaafadda Geed-Jacey ee Degmada Wardhigley" "Wanaagsan
oo wacan, waxaa la I yiraahdaa Istar, waxaan ku noolahay xaafaddan" ayay
iigu jawaabtay.
Markii ay intaasi na dhex martay baan waxoogaa wadada gees uga leexiyay,
si waanagsan baan u sheekeysanay runtii, waxayna ii sheegtay in gabar ay
deris yihiin oo ay meel u wada socdeen ay meesha uga tagtay, ayada oo
dib ugu laabatay gurigooda oo ay wax ku soo ilowday. Istar, waxa kale oo
ay ii tilmaamtay gurigooda oo halkii aan ku wada hadleynay aan sidaa uga
fogeyn, waxaan jecleestay inaan la balamo waqti kale, si aan wax uga
su'aalo xaaladeeda nololeed, wayna iga ogolaatay, inkasta oo ay u
muuqatay mid aan aaminsaneyn balanteyda iyo inaan ka dhabeyn karo, waxa
ay la ahayd arrin aan isaga kaftamayo, balse anigu dhab bay iga ahayd,
intaas hadii ay sheeko inoo mareyso, ayaa gabadhii wadada uga tagtay ay
timid, aniguna waan macsalaameeyay kana tagay, waxaan sii aaday gurigii
Asad, oo aan runtii aad uga daahay. Waxaana la kulmay saaxiibkey oo
markaa albaabka kasoo baxay, waxba hadal waqti isagama aan lumin'e horey
baan usii aadnay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho, halkaasi
oo uu Asad kaga dhoofayay dalka USA, abaarihii 8:00 barqanimo, ayaan soo
laaabtay markii aan saaxiibkey ku hubsaday Diyaaradda, markii aan
gurigeena imid, baan bilaabay….." La soco qeybta Saddexaad Berri insha
Allah
|