Home
Aboutus
   
    News In English||Home|

 

 

 

Qeybtii 20-aad.
Aniga oo aad u fekeraya ayaan aniga iyo Asad iska soo tagnay. Habeenkii feker iyo walaahow, ayaan ku seexday, waxa qalbigeyga gubayay, ayaa waxa ay ahaayeen cabsi ku saabsaneyd in caqabado hor leh ay yimaadeen iyo wax dhaqtarka baas dib usoo celiyay.

Subaxii markii waagu dilaacay, ayaa waxaa igu soo dheelmaday Istar iyo Asad oo wada socday, markii qolkeyga loo soo gudbiyay, ayaa Asad hurdada iga toosiyay, mar alle iyo markii aan dhaayo ka qaadayba, waan gartay in wax ay jiraan. Naxdin saa'id ah ayaa ka muuqatay Istar, waxaana eraydii ugu horeeyay ee kasoo burqaday afkeeda ay ahaayeen "Xamza, wax ma ogid dhaqtarkii ayaa soo laabtay, wuxuuna lee yahay anaa guursanaya gabadha, hooyana way ka ogolaatay ee maxaa talo ah". hadlkeedaasi runtii falaar wadnaha igaga dhacday oo kale waa uu iga xanuun badnaa, hase yeeshee anoo ku tashanaya kalsooni aan horey hooyadeed uga heestay ayaan ku dhahay "dhib ma lahan, anaa hooyo la hadlaya".


Intaa kadib saddexdeena oo wada socona ayaan guriga Istar usoo dhaqaaqnay, si aan arrinta u guda galno, waxaan guriga ku arkay rag aad u tir badan oo wax ay yihiin aanan garan, bals waxba isma raacinee, howsheeda ayaan ka watay, waxaana la kulmay Istar hooyadeed si aan wax uga dhaadhiciyo. nasiib darrose, way igu gacan seertay. waxaan xitaa ugu manad sheegtay jaceylka aan Istar isla soo marnay iyo abaalka aan u galay, laakiin jawaabta ay isiisay waxa ay noqotay ayada oo i tiri "indha fiiqista Istar, abaal ka weyn ma jiro taasna dhaqtarka ayaa iska leh, ee wax kale sheeg". Si kastaba dhinac kasta oo aan ka maray, waan ku guul darreystay. waxay xitaa kale oo ay igu qalbi dilaacisay in saddex maalmood kadib uu arooska Istar dhici doono. talo ayaa igu cadaatay meel aan wax ka bilaabana waan garan waayay, anoo yaaban ayaan habartii kasoo tagay waxaan is iri bal adiga iyo Istar is wareesta oo ka tashta mashaqada cusub, haddaan is iri bal banaanka ula bax, waaba tan hooyadeed oo ku qeylineysa, "haye kaabe, ha isku dayin inaad gabadha la baxsato, waxa rag ah ee guriga dhooban ayada ayay ilaalo ka yihiin". warkii horeba war soo dahaaf, waxaan is iri "dhaqtarka baas goormuu waxaan qorshaha soo diyaariyay", kadib ayaan Istar inta guriga kula dhex hadlay ku iri "kheyr u sheeg niyadda, waan is heleynaa", "iyana waa yahay adaan kaa war sugayaa"ayay igu tiri, sidaas ayaana kaga soo tagay.


Maalinkaasi, waxa uu noqday maalin kale oo murugo leh oo nolosheeda soo maray, ilaa laga gaaray labadii maalin ee xigtay oo dhan waxaan ka fekereynay aniga iyo saaxiibkey Asad, waxa aan sameyn doono, si aan caqabdan uga hortagno, hadda xal waan heli weynay, waqtigana ciriiri buu nagu ahaa oo maalin qura ayaa hartay, aniga iyo Asad oo maalinkii arooska maalinta ka horeyay gurigeena fadhina oo wada hadleyna, ayaa waxaa noo timid, gabar aniga i raadinyesa, markii qolkeyga loo soo gudbiyay waxay ii dhiibtay warqad ay ii sheegtay inay ka timid dhanka Istar, "waad mahad san tahay" intaan ku niri ayay iska baxday, iniga oo farxad iyo naxdin ay na isugu kaaya darsan yihiin ayaan warqadii kala furnay si aan u aqrino, waxayna u dhigneyd sidan:


Dear Xamza.


Waxaan kugu salaamayaa salaaan huwan, dareemada jirkeyga oo idli, salaan samir siin ah, salaan kalgaceyl, salaan murugo leh, iyo salaan macsalaameyn ah.


Salaan kadib sidaad la socotidba, aniga waxaa la doonayaa in beri la igu daro, qof aysan nafsadeeda raali ka ahayn, si la ii dhinac mariyo kaan dunida ka doortay ee Xamza, islamarkaana nolosheeda murugo loogu horseedo. ma u maleynayo inaan u adkeysan karo nolol kale oo dhib badan, kadib waayitaankii aan adiga horey kuu waayay, waxaa cad inaan si naba looga hortagi karin arrooska lagu wado in beri la qabto, si dhaqtarkan baas qasab la iigu daro, waa wax aan u dul qaadan karin taas.
Xamzow waxaan u maleynayaa inay isku mid kuu tahay hadaan nin kale u dhaxo, iyo hadaadba aniga oo dhan muuqeyga weydo. sidaa darteed, maadaama aadan sinnaba ii heli karin ayaan go'aan ku gaaray inaan isaga tago dunida, si aan dhibkeeda uga nasto, aana uga baaqsado inaan bur buriyo wacadkii aan horey u maray oo ahaa inaan u dhixin nin aan adiga ahayn, adigana cadow baa iga kaa hor istaagay.
Xamzow, mar alaale marka ay warqaddan gabadha iga soo qaado, ayaan go'aan ku gaaray inaan is dilo, waxaan kuu rajeynaa nolo farxad badan, nolo macaan, nolol hor mar leh iyo nolol guul ku dhisan, aniga waan is dilay. waxaan ku lee yahay ifka hibo ku noolow aakhirana halkii roon.
Waxaan kaa codsanayaa hadaad i jeceshahay inaadan noloshaada dhib u horseedin. Xamzow nolol cuusub abuuro macaane anigana Iska Key Illow.


By: Gacalisadaada dunida ka tagtay ee Istar.


Markii aan warqadda aqrinay ayaan aniga iyo Asad baabuur lasoo cararnay si aan isugu dayno inaa is dilkeeda ka hor tagno, laakiin nasiib darro waxaan tagnay gurigii oo lagu buuqsan yahay, geerida ka dhacday darteed. nolosheedii halkaasi ayay ku bur burtay, oo ilaa iyo haddana ma guursan, si aan u sharfo jaceylkii Istar, maadama aysan nin kale u dhixin ayaan anna waxaan didiay inaan gabar kale guursado

Dhamaad

 

Xafiiska Wararka Mareeg ee Moqdisho  Somalia :news@mareeg.com      LondonUKOffice:Tell00447737886245

 

Wixii su'aal ah nagala soo xiriir info@mareeg.com  or News@mareeg.com©2201-2008Mareeg ®All rights reserved.