|
Qeybtii
19aad.
Asad: Waxaa la sameynayaa,
inaad joogto, oo Xamzaha la baray uu yahay midkeedii horey ayaa loo
sheegayaa, kadibna waad is guursaneysaan?
Aniga: taasi waa waxaan weligeed dhici doonin.
Marka aan sidaa lahaa, oo aan diidamada muujinayay igama ahayn inaan Istar
nacay oo aan ka samray, si aksta oo aan ku heli karo waan sameyn lahaa,
haddana waxaan mar walba ka fekerayay sida ay noqon doonto nolosha
saaxiibkey, waxaan is tusay in maadama ay nolosheeda horey u guul
darreysatay oo aan ku dhowaa xiligaasi inaan wax walba iska ilaawo, aan tan
saaxiibkey dhiso.
Si kastaba diidmadeyda ma noqon, mid aan ku guuleystay, waayo Asad isagaa
diiday in Istar qof aan aniga ahayn uu guursado, isaga oo eegaya Jaceylka
baaxada weyn oo ay ii heysay iyo sida uu isaga isku samir siin karo,
maadaama uusan wax jaceyl ah u heyn oo ay ahaayeen laba qof oo waalid un uu
isku keenay, waxaana ugu dambeyn uu saaxiibkey Asad i ogoleysiiyay inaan
jaceylkeygii hore dib u hanto, oo aan la aqal galo, sidaas ayaana isku
raacnay.
Aniga iyo Asad, ayaa maalin ballanay si aan ugu tagno Istar, oo wax walba
loogu sheego. maalintii ballanta oo ahayd Jimce, ayaa marti qaad balaaran
waxaa lagu sameeyay guriga Istar.
markii la isku yimid oo saddexdeena aan qol ku kullanay, ayaa cabitaan
kadib waxaa sheekadii furay Asad, oo yiri "Istarey, waxaad igaga warantaa
Xamza, sida uu noloshaada ku ahaa, iyo hadaad hesho wax aad dareemi lahayd",
intay wejiga hoos aadisay, ayay cod daciif ah ku tiri "Asadow, ma
murugadeeda ayaad iska jeceshahay, maxaad qisadaas ii xusuusineysaa", Asad
ayaa isaga oo ka farxinaya yiri dabadeed, "murugadaada ma jecliyee, maanta
farxadaada ayaan wadaa" "hee, Xamza maad soo aragtay" ayay lasoo booday,
markaasuu inta qosol la dhacay yiri "haa waan arkaa Xamza, adna wada
aragtaa", 'maxaad ka wadaa" ayay haddana tiri, markaasuu inta warka shaaca
ka qaaday ku yiri "Istar, Xamzaha ku hor fadhiya, waa Xamzahaaga oo dib
kuugu soo noqday".
intaa kadib ayaan aniga hadalka qaatay bal si aan u iraahdo erayo ay igu
garaneysay, misna codkeyga aan u fahamsiiyo anoo dhahahaya "haye quruxleyda,
Xamza waa aniga, waana kuusoo laabtay".
markii ay intaas maqashay ayay durbaba garatay, inaan ahay qaaligeedii,
kadibna intay fadhiga si deg deg ah uga soo kacday ayay isku key duubtay.
qiyaastii in ka badan 30 daqiiqo, ayay sidaasi iigu duubneyd, ayada oo
ilmeyneysa, waxa kaliya ee afkeeda kasoo baxayayna ay ahaayeen, "Maxaad
igaga fogaatay, xabiibi", anan waxaan lahaa "wax walba way qornaayeen inaan
isku soo laabanana way qorneyd".
Intaa kadib waxaa halkaasi aniga iyo ayada nagu dhex martay sheeko aad u
dheer, oo aan isaga warameynay wixii dhacay, wax walba waan ka raali
geliyay, waxaana saamaxaadeeda gacan ka geysanayay Asad, oo sidoo kale ugu
bishaareeyay Istar in isaga uu ka tanaasualy arooska, oo jaceylkii kala
irdhoobay uu dib isugu ogolaanayo. warkaasi wuxuu noqday mid farxad ku
beeray qalbiga Istar oo ay aad ugu riyaaqday.
Istar ayaa sidoo kale ii sheegtay in arooskii dhaqtarka ee qasabka ahaa oo
cideeda ay wax la wadeen uu ku baaqday, markii isaga uu safar deg deg ah
ugu baxay dalka Jarmalka oo uu degenaa, kadibna aan miriqdiisa la arag.
waxa ay ahaataba maalinkaasi waxa uu ahaa maalinkii farxadda Istar iyo
aniga. Istar wax ay mar walba igu soo cel celineysay, hal weer oo ahayd "Gacaliye
mar dambe ha iga fogaan", anna waxaan lahaa "taas waa ballan ee niyadda
kheyr u sheeg".
Waxa uu kullankeena ku dhaamday si guul iyo farxad ah, mar ay tahay casir
gaabkii ayaan guriga kasoo baxnay, Aniga iyo Asad, waxaanse aad ula yaabay
oo aan ka naxay, mar alaale markii aan albaabka kasoo baxeynay, ayaan
waxaan la kulanay gaari albaabka markaas soo istaagay, waxaana kasoo degay
saddex nin. si fiican ayaan u eegay, waxaana ka aqoonsaday dhaqtarkii Istar
daweeyay. waxay igu noqotay arrin lama filaan ah, markii aan gartay ayaan
wejige dhinac kale aadiyay si uusan ii aqoonsan, kadibna sadexdii ninba
guriga Istar ayay galeen, ani iyo Asadna waan iska soo tagnay, waxaan is
weydiiyay wax dhaqtarka soo celiyay, marbay igu noqotay wax u eg dhalanteed,
oo aan is iri waa indhahaaga, haddana waan xaqiijiyay in indhaheyga aysan
been ii sheegeynin, aniga oo aad u fekeraya ayaan aniga iyo Asad iska soo
tagnay................ La soco qeybta 20--aad Berri insha Allaah. |