|
ska Key Illow!
(Sheeko jaceyl)
Qeybtii 3-aad
………Markii
aan gurigeena imid, ayaan bilaabay inaan mar kale is diyaariyo, aniga
oo doonaya inaan aado Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, oo aan ka
shaqeyn jiray, si aan usoo guto shaqadeedii maalnikaas oo aan afartii
saac ee hore fasax ka ahaa.
Maalinkaas waxa uu ahaa maalin baal ka galay taariikhdeyda, habeenkii
markii aan sariirteyda dul imi, oo aan gama' isla lahaa..ha
sheegin..waxaan bilaabay inaan ka fekero dhacdadii maanta iyo la
kulankii Istar, waxa ay noqotay arrin qalbigeyga aan ka saari waayay,
waxa qalbigeyga kusoo noq noqonayay, ayaa waxa ay ahaayeen quruxda rabi
uu ka maneystay gabadha iyo Indho la'aanteeda, waxaan is iri…
"hadii indhaheedu u caafimaad qabi lahaayeen, maxaa la isku dili
lahaa!", waxaan kale oo aan is weydiiyay suurta galnimada ah, in
indhaheeda la daweyn karo", hase yeeshee su'aashaasi waxaan u
dhigtay kullanka aan ku balan sanahay aniga iyo ayada.
Habeenkaas waaga waxa uu iigu baryay ka fekerka Istar iyo marxaladda
nololeed oo ay ku sugan tahay, waxaan dareemayay in qalbigeyga ay kusoo
noq noqanayeen erayadii na dhex maray, ma garan karin waxa ugu wacan,
oo ay sidaasi saameynta iigu yeelatay durbaba, laakiin waxaan ogaa
kaliya in habeenkaasi ay qalbigeyga ka xanibtay dhaq dhaqaaqyadii kale,
oo iyada un iyo ka fekerkeeda aan waqti badan ku lumiyay.
Maalmo ayaa kasoo wareegay la kulankeygii Istar, waxaana maalmahaas wax
weyn iska bedeley dabcigeyga, oo feker un baan ka bixi waayay, Waxaa
iga yaabay Aabahay Xaaji Maxamed, Hooyadey Maryam iyo labadeeda Ayeeyo
ee Hooyo iyo Aabe kala dhalay, iyo Walaalkey Anas, kuwaasi oo la
yaabanaa is bedelka igu dhacay.
Si kastaba, waqtigii ayaa gurmay, waxaana la gaaray habeen Talaado ah,
7:00 fiidnimo oo gow ah, waa xilligii aan ku madaleysnaa guriga Istar,
inta aan is habeeyay baan gaarigeygii ku dhacay, waxaan abaaray gurigii
Istar. Runtii markii aan tagay guriga, ayaan deymo u galay guriga, waxa
uu ka turjumayay nolosha hooseysa ee Istar, eegmadiisa waqti isagama
aanan lumin'e albaabka ayaa garaacay, waxaana iga furay wiil yar oo
Istar la dhashay, "ma joogtaa Istar baan ku iri", markaasuu I
weydiiyay "Ma Xamzaa adiga", 'Haa baan ku iri", isna
"soo dhaaf" buu iigu jawaabay.
Waxaa la I geliyay qol laba joodari ay dhex taal, oo jiingad ka
sameysnaa, halkaasi oo ay igu sugeysa Istar, markii aan galay baan kula
kaftamay "waan ku salaamay quruxleyda", markaas bay iyada oo
xishooneysa wejigana hoos aadineysa si dhoola cadeen ay ku jirto iigu
tiri "hh..hh waan kaa qaaday aboowe".
Salaan iyo kaftan kadib waxaa bilaabaty Sheeko iska caadi ah, waxay
inta badan I weydiineysa iguna cel celineysa sababta aan u go'aansaday
inaan ula balamo, ulana kumlmo, islamarkaana aan ula xiriiraaayo, anna
waxaan u sheegayay inay tahay wax iska caadi ah, barashada aan ayada
bartayna ay tahay mid la mid ah tan aan dadka kale barto.
Sheekooyinkaas oo dhan aniga dareen uma aan hayn, waxaana ka fekerayay
su'aal qalbigeyga ku taagneyd sida aan u weydiin lahaa Istar, waxaan
aad uga cabsi qabay in su'aashaas ay qalbigeeda dhaawici doonto, ama
qaribi karto hanaanka sheekadii inoo socotay iyada iyo aniga.
Waxay ahaataba, hadaan wa xoogaa is celiyay ayaan ugu dambeyntii go'aan
nafsiyeed ku gaaray inaan weydiiyo, waxaana ku iri..... "Xaqiiqdii
Istarey waxaad tahay gabar aad u wanaagsan…laakin waxaan rabaa
inaan…." Markii aan hadal halkaasi marinayo ayay iga dhex gashay,
ayada oo qosleysa, ina dhaheysa "…aniga ma wanaagsani, qof ii
muujinaaya inaan wanaagsanahayna adiga un baaba kaa arkaa…ma garanayo
waxa jira..indho la'aanta ayaa la igu nacay baan
filaaa…kkk…kkk…kkk".
Runtii erayadaas qalbigeyga ayay dhaawaceen, ilin ayaana indhaheega
kusoo istaaagtay, aniga oo isku dayaya inaan u muujiyo inay tahay weli
qof lagu xisaabtami karo, oo wanaagsan ayaa ku dhahay "..maya saas
ha oran,
miyaadan maqal oraahda dhaheysa (qofka wanaagsan dadka wuu ka dhex
muuqdaa xitaa haddii uu dhar duug ah wato), marka wanaaga waa qalbiga
ee maahan muuqaalka kore, ee niyadaadi wanaaji, waxaan kuu ballan
qaadayaa inaan weligey garabkaaga ahaan doono", hadii aan intaas
ku qalbi qaboojiyay, ayaan usoo laabtay su'aashii qalbigeyga ku
taagneyd, waxaana weydiiyay……
|