Home
Aboutus
   
    News In English||Home|

 

 

 

Iska Key Illow!.

(Sheeko Jaceyl)

Qeybtii 16-aad

Haduu cabaar hadal iga waayay buu isaga oo is xanaajinaya igu yiri "war waad waalatay'e ee naga tag" , kadibna waxa uu ii raaciyay "micnaha waxaan ka wadaa gabadha waxaa la yiraahdaa Istar, markii aan magacaas maqlay, ayaan control-kii iga lumay, aad ayaan uga naxay runtii, ma jecleyn inay nolosheeda dib u saaqdo xasuusta Istarteydii, saaxiibkey ayaa markaas inta isla fekerkeyga ka yaabay, igu yiri "saaxiib maxaa kugu dhacay", "waxba xusuus hore baan iska galay", baan anna ugu war qariyay, kadib ayuu i yiri "waadba iga nixisayee!",.

Xaqiiqdii wax aqalbigeyga walaahowga geliyay, ayaa waxa ay ahaayeen magacaas Istar, ee aan maqlay, anigaa isla hadlayoo, mar waxaan is iri "tolow ma Istartaadii baa?', haddana ani unbaa isku jawaabayoo, waxaan is iri "Istar xiligan waaba hooyo, caruur u leh dhaqtarkii baas, ee waa mid kale waxa uu saaxiibkaa ka hadlayo", tii iskuma aan qancinee, haddana waxaa la yaab igu noqotay hadlkiisii ahaa "gabar aan isku xaafad nahay oo reer iska tabar darran ka dhalatay", waxba yaan hadalka kugu daalin'e, anoo isku dayaya inaan ka ogaado isaga ayaan ku iri "war adiga i yiriyee, gabadha hadaad aragto adaa deg deg ku go'aansanaya inaad guursato ee maad sawirkeeda i tustid", balse saaxiibkey Asad, arrintaasi waaa uu igaga cudur daartay waxaana ii uu sheegay in sawirkeeda uu kaga soo tagay USA.

Hadaan maalmo wada joognay ayuu Asad, iila yimid qorshe aan xisaabta igugu jirin waxaana uu iga codsaday inaan u raaco Somalia, si aan uga qeyb galo arooskiisa, hase yeeshee waan ka diiday arrintaas, wax walba waa uu sameeyay si uu igaga dhaadhciyo inaan raaco, anna intaa waan ka dhego adeegayay, hadaan cabaar isla doodeynay oo uu iga aqbali waayay diidmadeyda, ayaan go'aan ku gaaray inaan saaxiibkey runta u sheego, oo aan shaaca ka qaado wixii na kala qabsaday aniga iyo qoyskeyga, ee ahaa inay cadaatay inaysan i dhalin, markaasuu i yiri "oo sidee maxaa dhacay", anna anoo arrinta Istar shaaca ka qaadin ayaan ku iri "gabar aan jeclaaday ayuu aabe ii diiday oo ina adeertey buu rabay inuu igu qasbo, markaan diidayna waxuu ii sheegay wax uu weligii iga qarin jiray, oo ahaa inuusan i dhalin, kadibna Somalia waanba isaga soo tagay".

Sheekadaasi saaxbiikey waxay ku noqotay mid uu ka naxay, waxaana uu iila yimid qorshe ah inuu Somalia igu celinayo oo aniga iyo waalidkii isoo koriyay dib na isugu kaaya naqayo, adiga waxay doontaba ha ahaatee, waxaan aqbaly inaan Somalia ku laabto, oo aan saaxiibkey raaco, si aan arooskiisa uga qeyb galo, islamarkaana aniga iyo waalidkey aan dib isku aragno, oo aan wixii hore iska ilaawo nolol cusubna aan aas aasto, sidaasi ayaana meel isla dhignay.

dhowr maalmood kadib markii qorshaha saaxiibkey, aan aqbalay kadib ayaan dib ugu laabanay aniga iyo isagaba dalka Somalia, waxaan tagnay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, oo labadayadaba aanu ku nooleyn, markaan caga dhiganay garoonka diyaaradaha ee Mogadishu International Airport, ayaan halkaasi telefoon kaga diray gurigeena, nasiib wanaag waxaa telefoonka iga qabatay gabar jaariyad ahayd, war badan lama gelinee waxaan ku iri "Anas ila hadalsii", iyana "waa yahay" bay iigu hadal gaabisay, waxaana ii xigay codkii Anas oo dhahaya "waa kuma', "waa Xamza" baan ku iri, walaalkey dhowr daqiiqo ayuu oohin igaga aamusnaa, kadibna sheeko dheer ayaa na dhexmartay, "arrintan cidda ka qari" baan ku iri, waxaana ku degay guriga saaxiibkey Asad.

Maalmo hadaan halkaasi ku noolaa, ayaa saaxiibkey iyo walaalkey dadaal dheer kadib waxa ay ku guuleysteen inay waalidkey iyo aniga dib na isugu kaaya celiyaan, aabahey isoo koriyay waa uu ka qoomameeyay wixii dhacay, anna waan iska cafiyay, halkaasi ayaana nolo cusub ka bilaabay.

Hadaan toddobaad gurigeena dib ugu noolaa, ayaa subax waxaa ii yimid, saaxiibkey Asad, waxaana ii ugu yiri "galabta waanu is raaceynaa", "oo xagee?", baan ku iri, isna waxa uu iigu jawaabay" waxaan ku soo barayaa, gabadha aan guursan rabo, ee Istar", waxay ahayd arrin aad u xiisanayay bal sidaan usoo kala ogaado in tani ay Istarteyda tahay iyo in kale, waana ka qabaly saxiibkey.

Galabkii mar ay tahay 4:30pm, ayaa waxaa ii yimid Asad, waxaana isku raacnay guriga gabadha uu guursan rabay oo aan sidaasi uga sii fogeyn gurigooda, sidii wadada Maka Al-Mukaramah, uu noogu waday ayuu iga leexiyay jiiradkii aan ka leexday subaxii aan isga sagootinayay, islamarkaana baranayay Istarteydii, waan shakiyay aniga, hadana kuma sii dheeraan'e waxaan niyadda iska iri "bal eeg waxa yimaada", hadaan cabaar soconay, ayuu gaarigii noogu baakimay iridkii hore ee guriga gacalisadeydii hore ee Istar, oo waxooga is bedel uu ka muuqdo, durbadiiba waxaa ii cadaatay in qofka saaxiibkey calafkiisa uu muuqata ay tahay qaalideydii hore, gurigii ayaan galnay, waxaan ku arkay dad igu cusub, kadib ayaan galnay qol waxaana noo soo gashay gabar aad u carfeysa una labisan, hadaan sidaa u eegay, waaba Istarteydii................

La soco qeybta 17-aad berri insha allaah.

W/Q: Axmed Cali Sheekh (Axmed Yare)
alaxmed@hotmail.com



 

 

Iska Key Illow!.

(Sheeko Jaceyl)

Qeybtii 17-aad

Waxaan ku arkay dad igu cusub, kadib ayaan galnay qol waxaana noo soo gashay gabar aad u carfeysa una labisan, hadaan sidaa u eegay, waaba Istarteydii. Waxaan dhihi karaa wixii markaasi ka dambeeyay, ma garan karo waxa dhacay, waxaanse ka xasuustaa in xaalka uu igu cakirmay, waxaan xitaa ku sigtay inaan naxdin dareteed la suuxo. daqiiqadahaasi, waxaan ku asteeyay kuwii nolosheeda ugu xumaa uguna naxdinta badnaa, wejiga ayaan hoos aadiyay, aniga oo ayada ka cabsanaya sidii qof ay aragtay oo ay garaneyso oo kale.

cabaar hadaan xaalkaa ku sugna, ayaa Istar iyo Asad, oo kullankaasi uu u ahaa koodii labaad oo kaliya, sida uu isaga horey iigu sheegay ay isa salaameen, kadib ayaa Asad hadlayoo, oo Istar ku yiri "Gacaliso, wiilkan aan ku baro, waa saaxiibkey qaaliga ah, aniga ayuu ila yimid, waxaa la yiraahdaa Xamza, Xamza adna gabadhan waa mustaqbalkeyga iyo gabadha aan guursan lahaa, waa Istar", markaasaan inta hadlka aniga qaatay, waxoogaana codkeyga bedelay, oo warkan soo koobay ku iri "barasho wanaagsan walaal", waxaase aad u adkaatay jawaab laga helo dhankeeda, waxa ay u ekeetay sida qof dambi gale oo kale oo fiiktaal ah, dhidid baaba kasoo qubtay, wax hadal ahna ma aysan oran.


Hadii ay iyadii sidaaa ku aamustay, aniga aan eegmo ugu dhaqaaqay baa inta Asad labadeenaba naga yaabay yiri "Istar, maxaad wiilka uga aamustay, mise barashada ayadaan ku faraxsaneyn", kadib ayay ayada oo aad moodo inay carro ka tan badisay tiri "Wiilkan xaguu degan yahay", "deganaasho hanoo dambeysee bal horta is barta", baa haddana Asad yiri. Isaga inuu na iskaaya baro ayuu u hollanaa, iyana waxay raadineysaaa bal inay Xamzahan ogaato, sidaaan qiyaasayayna shaki ayaa galay. hadii xaal sidaa ahaa, ayaan aniga qidad cayaaray, si aysan ii ogaan, markaasaan inta Asad la hadlay waxaan ku iri "Saaxiibow, wax yar i sug bal banaankaan u baxayaaa", "maxaa kugu dhacay" buu isna yiri "waxba" baan iri anoo sii istaagaya, waxaana usii raaciyay "waan idiin soo noqonaa", "waa yahay", buu markaa i yiri, kadibna waan iska baxay, waxaana toos u abaaray, xaafadeeda.


Xilli ay tahay maqribkii oo kale, baa Asadkii guriga iga soo raadiyay, kadibna waxa uu i weydiiyay waxa igu dhacay, balse anoo ka kor baxaya, waxna u qarinaya, ayaan ku iri "war gabdha, soo taad aragtay inay xishood la hagoogatay, marka waxaan is iri bal sheekada lamaanaha ha qasin", isagii baa hadalka qaatay oo i yiri haddana "nin yahow, waxaanba is iri labadan qof ma horey bay isku garan jireen", "oo sidee baan ku iri?", markaasuu i yiri "horta marka hore waxaan ka yaabay, sida aad u kala xishooteen, tan kalena, markii aad naga soo tagtayba aniga iyo ayada wax wada hadalo qaas ah oo na dhex maray wayba yaraayeen, oo intaas adi bay i kaa weydiineysay, wiilkan yaa waaye, xaguu degan yahay, Xamza, maxaa loogu daraa? iyo su'aalo kale, ayay raaxada igaga celisay?.


Ninkii saxiibkee ahaa ee Asad, naxdintii buuba igu sii kordhiyay, oo waxaan is iri "armuu faalooyinkaaga oo dhan siiyay, oo isagiina wax soo ogaaday', markaasaan ku dhahay "haye ma u sheegtay marka?", "maya" buu igu yiri, waxaana uu ii daba dhigay "adoon kula tashin miyaan wax walba iska sheegaa, sidee kaa noqotay ma jaahil baad i mooday?, kadib ayuu saaxiibkey waxa uu igu yiri "nin yahow tuhunka aan qabo wax ma ka jiraa, oo gabadhan horey miyaad isku garaneyseen?, "maya, weligeenba isma arag oo galabtaaba igugu horeysay" baan ku iri, ", intaa kadib Asad, waxaad mooday inuu wax walba labadeena waji uu ka aqristay, waxaana ka dareemay tuhun aad u weyn, kadibna waxa ii igu yiri "ogow, hadaad wax iga qariso maalin ay ahaataba waan soo saari doonaa", anna waxaan ku dhahay "oo haddayba jiraan waxaan kaa qarinayo soo saar", waa yahay iyo waayahay, baana ku kala tagnay.


Markuu iga tagay, kadib ayaan cabsi dareemay, waxana ogaaa in wax walba uu ku ogaan karo oo kaliya, isaga oo magaceyga oo saddexan iyo xaafadeeda u sheego Istar, kadib ayaan ka fekeray sidii aan uga baaqsan lahaa inaan niyad jab saaxiibkey ku abuuro, waayo hadayba Istar ogaato inaan weli noolahay oo aan wehel la ahay nin kale insayn ogolaaneyn baaa is tusay, waxaana go'aan saday inaan inta uu arooskooda ka dhacayo aan UK isaga maqnaado............... La soco qeybta 18-aad berri insha allaah.

W/Q: Axmed Cali Sheekh (Axmed Yare)
alaxmed@hotmail.com



 

 

 

Iska Key Illow!.

(Sheeko Jaceyl)

Qeybtii 18-aad.

Waxaan go'aan ku gaaray inaan aado oo aan inta uu arooska Istar iyo Asad ka dhacayo isaga maqnaado Dalka UK , si aan uga baaqsado inaan caqabad ku noqdo arooskooda, waayo nolosheeda ayaa horey u bur burtay mana jecleyn inaan tan saaxiibkey Asad baa bi'iyo, sidaasi, ayaana go'aan ku gaaray.
Intii aan aniga ku maqnaa qorshaha aan ku qaban qaabaniyay safarkeyga dalka Ingiriiska, ayaa saaxiibkey Asadna, waxa uu ku maqnaa raadinta arrimaha aniga iyo Istar. si kastaba waxaan ku guuleystay in muddo afar maalmood gudahood ah aan ku diyaariyo safarka, waxaana xitaa ka qariyay Asad, waayo waxaan ogaa inay iman doonaan su'aalo badan, uuna sinnaba u ogolaan lahayn.

Subax ay tahay arbaco, khamiisna aan is lee yahay bal dhoof, ayaa saaxiibkey Asad hurdada iga toosiyay xilli ay saacadda sii mareyso sideedii subaxnimo, intaan dhinac isku gediyay ayaan eegay mise waaba Asad, markaasaan inta soo fariistay ku iri "saaka, adigii hurdada saaxiibka u ahaa baaba i toosinayee, maxaa jira?", waxba hadal badan iima gelinee waxa uu warka iigu koobiyay "orod biyo isku soo shub, isna diyaari", "waa yahay" intaan dhahay, ayaan haf kasoo iri sariirta, qubeys iyo is diyaarin kadib ayuu igu yiri "ina keen", waxaana uu ii kaxeeyay oo uu i geeyay gurigooda kadib waxaa na dhex martay sheeko dheer oo u dhacday sidan:-

Asad: horta Xamzow xalay ka hor waxaan kuu heestay saaxiib wanaagsan, laakiin waa kaa hoos baxday, maxaad waxaan oo dhan igaga qarisay?
Aniga: Hee saaxiibow, maxaa dhacay?, maxaan kaa qariyay?
Asad; Waxaad iga qarisay noloshaada dhabta ah iyo wacadaraha aad aduunka kusoo martay

Aniga: oo sidee?, oo hadda miyaadan wax ka ogeyn nolosheeda?

Asad:maxaad igaga qarisay, wixii horey idiin dhex maray adiga iyo Istar Jaamac Dheere, ama haddaan si kale u iraahdo Istarta aan guursan rabo.

Markii uu su'aashaasi i weydiiyay ayaan aad u naxay, oo aan fadhiga ka kacaya, anoo oranaya, "adiga maxada sameysay yaaq, yaa ku yiri arrimahan tix raac, waan ku baryayaa Asad, waxaas waa tageen waqtigooduna wuu idlaaday ee dib ha u raacin?

Asad: dib ha u raacin maxay tahay, wax walba oo noloshaada ku saabsan waad iga qarisay, mideeda kale waxaad sameysay ma ahan wax loo dul qaadan karo, gabadhaas Istar ahna godob ayaad ka gashay, imisa sano ayaad nolol la'aan dhigtay ma garanee?, waxaan ku moodaya nin nolosha wax ka fahamsan laakiin, jaahil baad ka tahay dhankaas.

Aniga: laakiin aniga wax walba dareteed ayaan u sameeyay, iyo caafimaadkeeda?

Asad: taas caafimaad lama dhaho, haduu dhaqtarka sidaa sameeyay, waxaa kugu filneyd odoo aniga isoo waca, islamarkaana inta is kaashano aan gabadha dibedda kusuoo daweyno, markaad nolosheeda bur burineysay, middda kale ma la socotaa indha la'aan ay kugu hesho, ayay ka doorbideysaa, ayada oo araga kugu weysa.

Aniga: hadda waxaas waa ay dhaceen, anigana sidaa uma fekerin, ee waxaan ku su'aalay adiga sidee baad kusoo ogaatay arrintan, ma ayadaa wareysatay, oo waxaan ahay u sheegtay?

Asad: aniga ilaa iyo hadda ayada waxba uma sheegin, markay Xamzahan yaa waayay iga bad badisay, ayaana ku iri "maxay tahay saameyta uu kugu lee yahay", way ka dhego adeegtay, laakiin ugu dambeysan wax walba oo nolosheeda ku saabsan way ii sheegtay, sidaa ayaana ku ogaaday in Xamzaha gabadha waalay aad adiga tahay.

Aniga: waa ok, hadaadan waxba u sheegin haddana gabadhaas way iska key ilowday ee waxba ha u sheegin waan ku baryayaaa, taasaan kaa codsanaaa, si guurkiina uu u dhaco?

Asad: hadaad mooday inay ku ilowday, walaahi baysan xitaaa toban sano hadda dhiman ku ilaawi doonin, ileen waxaad gabadha uga tagtay, qalbigeeda dhabta ah ayaadan fahmin, mideeda kale guur baad ka hadleysaa, gabar Xamza qalbigeeda ku qufalan yahay miyaa nolol i isiin karta aniga?
Aniga: si kastaba gabadhaas noloshaas dib ha u xasuusin, hadda inay iska key ilowdo ayay ku dhowdahay'e, adna nolol cusub oo farxad badan sii.

Asad:Istar, inaad joogto inay ogaato waa lagama maarmaan, waxaana kuu sheegayaa, aniga xalay ayaanba nolosheeda iyo arooskeeda go'aan ku gaaray inaan ka tanaasulo.

Aniga:oo maxaa marka la sameynaa?
Asad;, waxaa la sameynayaa, inaad joogto, oo Xamzaha la baray uu yahay midkeedii horey ayaa loo sheegayaa, kadibna waad is guursaneysaan?
Aniga: taasi waa waxaan weligeed dhici doonin.

La soco qeybta 19-aad Berri insha Allaah.

 

 

Xafiiska Wararka Mareeg ee Moqdisho  Somalia :news@mareeg.com      LondonUKOffice:Tell00447737886245

 

Wixii su'aal ah nagala soo xiriir info@mareeg.com  or News@mareeg.com©2201-2008Mareeg ®All rights reserved.