|
Qeybtii 14-aad
Aniga oo qorshahaasi ku taagan ayaan u dhaqaaqay xaafaddii ay ku nooleyd
farxaddii nolosheeda ee Istar, hadaan waxooga socday, ayaa waxaa ila
xumaaday qorshaha aan watay, waxaana ii sawirmay in Istar aysan siday
dootaba ha ahaatee marnaba aqbali doonin inaan isa seegno, aniguba sidaa ma
jecleyn, ee mararka qaar danta ayaa waxaadan rabin kugu qasbeysa inaad
sameyso, si kastaba waxaan is tusay in hindisaheega hadaan Istar ula tago
uu un fashil ku idlaan doono, markaasaan fekeray, waxaana ii soo baxay
qorshe kale oo ahaa inaan Istar waxba u sheegin oo aan inta dhaqtarka u
geeyo isaga tago, warqadna u dhaafo si ay dib dambe uga ogaato waxa i
qabsaday, sidaasaan is tusay.
Aniga oo arrintaasi ka goos qaadanaya, ayaan ku leexday dukaan markaas ii
dhowaa Warqad iyo qalin inta ka iibsaday, ayaan isaga soo baxay kadibna
waxaan dib ugu soo dhacay gaarigeyga, intaan meel waxoogaa hoos lahayd ku
baakimay, ayaan warqadii qoraal ugu fariistay waxaana u dhigay sidan.
Dear Istar.
Qaalideydii waayahay ay na kala geeyeenee waxaan hawada u dhaxeysa Britain
iyo Somalia ku soo marinayaa salaan kalgaceyl tan ugu qiimaha iyo qaayaha
badan, oo ay isu diraan dad isku haminayay oo isa seegay.
Intaa kadib Waxaan aad ugu faraxsanahay in aragaaga uu dib usoo laabtay,
sida aan filayo oo aad warqaddan aqrineyso, waana wax aan weligey ku
haminayay oo aan markan is lee yahay way rumoobeeen.
Marwada Sharafta lahaay, waxaan warqadan qoray maalinkii aniga iyo adiga na
isugu kaaya dambeysay, ee aan isla kulano, maalinkii Jaceylkeena uu soo
geba geboobay, maalinkii aan go'aan ku gaaray inaan kaa fogaado, aniga oo
farxadaada eegaya iyo inaad hesho wax qalbigaaga tabayo ee ah in aragaaga
aad dib u hesho.
Qaalideydii Istarey, wax ha ila yaabin hana is oran Xamza muxuu sidan u
sameeyay, wax walba waxaan u sameeyay dartaa, waayo jaceylkeyga waxa u baas
bixi lahaa inaad aragaaga dib u hesho, aniga oo taasi ka hortagaya ayaana
jecleestay inaan kaa fogaado oo aan kugu iraahdo Iska Key Illow, weligey is
ma oran adiga iyo Istar ayaa kala fogaanaya, laakiin wax walba way dhacaan
adduunka, sidaad la socotidba ninka dhaqtarka ah ee ah qofka kaliya ee
indhahaaga dawo u heli karaa ayaa shardi ka dhigay inuu adiga ku helo,
hadaan ku madax adeego inaan jaceylkeyga ka rumeeyana marnaba maadan
aqrisateen warqaddan, mana aadan socoteen adoon qof ku garab heyn, waxaan
aamnisanahay in Dhaqtar Haashim, uu yahay nin wanaagsan, aqoon leh, hanti
heesta, da' yar kuuna qalmi, waxaana is tusay inuu yahay qof noloshaada
kaafin kara, sidaa ayaana u go'aan saday inaan isaga kugu wareejiyo anoo
farxadaada eegaya.
Xabiibteydii Istarey, waxaan kale oon kuu sheegayaa in aniga aan kuu qalmin,
waayo, maanta ma ihi Xamzihii ku garab qabtay ee ina Xaaji Maxamedkii
sumcadda lahaa ah, maanta waxaan ahay qof aan aabe lahayn, mana jecli in,
in badan qalbigaaga dadka ay dhaawac ku gaarsiiyaan waxay guursatay qof aan
aabe lahayn, waayo waxaa jirta in aniga Xaaji Maxamed uusan i dhalin oo uu
isoo korsaday un, waana taas arrin kale oo qasab ka dhigtay inaan ku
iraahdo Iska key illow!, waayo ma jecli inaan aad dhasho ilmo aan la garan
oo haddana ciil ku kora.
Ugu dambeyn waxaan ku dhihi lahaa aniga iga samir iskuna day inaad abuurato
nolo cusub oo macaan badan, dhaqtarkan ayaa noloshaada u dhiibay ee isaga
farxad sii, isna ha ku siiyo, waan ku baryayaaa noloshaada ha ku lumin
inaad i baadi goobto aniga waan ka tagay dalkan markaan nolosha ku
fashilmay, adna ha fashilin noloshaada macaaney, waan ogahay inaad i
jeecashahay oo aadan i halmaami karin balse isku qasab, qalbiga wixii lagu
cel celiyo wuu aqbalaaa...kheyr ayaan kuu dhaafay...ifka hibo ku noolow
aakhirana halkii roon..bye
Gacaliyahaagii hore ee Xamza.
Intaan warqadii qoray, ayaan u dhaqaaqay dhanka aqalkooda, warqadda ayaan
waxaan u dhiibay wiil yar oo la dhashay, aniga oo ku iri "dhaqtar ayaan
geynayaa gabadha, marka indhaha loo soo hagaajiyo sii, hadana ha u sheegin
oo meel wanaagsan u dhig", isna "waa yahay ayuu i dhahay', kadib ayaadii
baan inta been u sheegay oo ku iri dhaqtarka waan lasoo hadlay wax walbana
waa ok ee ina mari ayaan dhankiisii usoo kaxeeyay oo aan u geeyay, kadibna
dhaqtarka ayaan ku iri "gabadha arooskaaga way ogolaatay ee indhaha u fiiq",
isna ' waa yahay" buu i yiri, kadibna howshii ayaa la guda galay, intaan
gurigooda kusoo laabtay, ayaan hooyadeed iyo wiilkii yaraa soo kaxeeyay oo
geeyay goobtii dhaqtarka, aniga oo maamada si gaar ah ugu sheegay jueedka
indhaha loogu fiiqayo iyo shuruuda dhaqtarka, iyana waxbay ila fahamtay,
dabadeedna anigii waan isaga tagay.................... La soco qeybta
15-aad berri insha allaah |