|
Qeybtii
13-aad
Cabaar hadaan
fadhiyay, ayaa waxaa soo baxday Istar oo ilemeyneysa, kadibna waxaan ku iri
"oo maxaa kugu dhacay", "aniga ma doonayo in indhaha la ii fiiqo" ayayna
iigu jawaabtay, "oo maxaa dhacay", baan haddana ku iri, balse way diiday
inay wax ii sheegto, waxayna si kooban ii tiri "marka hore guriga aan tagno,
markaas ayaan wax walba kuu sheegayaa'e".
Dhowr goor ayaan isku dayay inay ii sheegto waxa ay ku diiday howshii aan
intaas dhib ah kasoo maray, hase yeeshee waxba waan ka ogaan waayay. hadaan
iyada ku daalay, ayaan u galay dhaqtarka, si isaga uu iigu sheego waxa
dhacay, isna waxa uu war iigu gaabiyay "ayada wareyso".
Muran iyo dood dheer oo aniga iyo Istar nagu dhex martay xaruntii
caafimaadka kadib, ayaan isaga soo tagnay xaruntii dhaqtarka, markaan
guriga nimid, ayaan wa xooga dejiyay, waxaana si degan u iri "bal waxa jira
ii sheeg', intaa kadib ayay wax aan la yaabay ay ii sheegtay taasi oo
ahayad, ayada oo igu tiri "dhaqtarka waxa uu i dhahay wax lacag ah kaamka
doonayo, indhahana waan kuu fiiqayaaa weliba si deg deg ah, balse hal
shuruud ayaa meesha taala, oo ah inaan ku guursanayo markaan caafimaad u
helo indhahaaga kadib, marka Xamzow, ihi..ihi...indho fiiqis aan adiga kugu
weynayo maxay ii tareysaa".
Waxa ay xaqiiqdii noqotay sheeko aan si aad ah uga naxay, iyo arrin
fajaciso igu noqotay, "waa yahay Istar, waad mahadsan tahay, anna waan sii
baxayaa, macsalaama, hadduu ilaah yiraahdo habeen dambe ayaan kuu imanaa"
inta ku iri, ayaan isaga soo tagay.
Qorshaha cusub ee dhaqtarka baas uula yimid, waxa ay igu sii kordhiyeen
culeeskii saarnaaa nolosheeda, anoo xitaa aan garaneyn sida uu dareenkeygu
ahaa, ayaan gurigeena isaga oo laabtay, hadaan guriga imid, ayaan bilaabay
inaan dhameeyo sheekadii qabyada ii ahayd ee ku saabsaneyd aniga
dhalashadeeda, waxaan arkay walaakey Anas, oo meel oohin la fadhiyo, isaga
ayaan xog wareysigii ka bilaabay oon ku iri "Aboowe, maxaad la oyneysaa",
intuu hab i siiyay oo uu isku key duubay ayuu i dhahay "aniga aabe waa
nacay, labadeena ayuu na kala fogeynayaa', markaasaan ku iri 'aamus walaal,
cid aniga iyo adiga na kala fogeyn karta ma jirto, ee maxaad ogtahay ii
sheeg".
Anas ayaa markaa bilaabay inuu waxa uu og yahay igaga sheekeeyo isaga oo ku
bilaabaya "aboowe macaan, markaad baxday, kadib ayaa ayeeyo aabe dhashay ee
Caasho, waxay ayeeyo hooyo dhashay ee Xaliimo ku tiri (wiilkeyga arrin xun
ayuu sameeyay, ma ahayn inuu arrintan shaaca ka qaado), markaasay ayay
Xaliimo dhahday oo maxaa dhacay bal wax ii sheeg), kadibna ayay caasho ayaa
dhahday (wiilkan Xamza ah, Xaaji Maxamed iyo Maryan, ma dhalin, iyaga oo in
ka badan 10 sano is qaba oo aan wax isku dhalin ayay wiilkan heleen isaga
oo 3 maalmood dhalan oo wadada lasoo dhigay magaalada Hargeysa, kadibna si
aan arrintan loo ogaan ayay Muqdisho, usoo degeen nasiib wanaag markii
wiilkan ay heleenba waxaa calool galay oo isku xigsaday afar wiil oo iyaga
ay dhaleen saddex hadda maqan iyo Anas marka Xaajiga inuu arrintan shaaca
ka qaado ma ahayn), ayeeyo Xaliimana waxay dhahday (wax xun buu sameeyay)
marka aboowe, adiga waxaas waxba ha u arkin.
Sheekadii Anas, xaqiiqdii jahwareer ayay igu riday, anoo iska fekeraya oo
meel iska fadhiya ayaa aabe ii yimid, oo igu yiri "weli ma madax adeegii
ayaad meel la fadhidaa", markaasaan dhahay "wax walba oo dhaca Hani ma
guursanayo", isagiina hadal kale ima weydiin'e, waxa uu war igaga bilaabay
"igaga baxay guriga".
Intaan kadib
intaan boorso dhar kasooo buuxsaday, ayaan horey usoo qaatay lacag aan
heestay oo igaga hartay gurigii aan iska iibiyay iyo tii aan ugu tala galay
Istar iyo baasaboorkeygii ingiriiska, waxaana kadib go'aan ku gaaray inaan
dalka isaga tago oo aan UK ku laabto, islamarkaana aan nolol cusub halkaasi
ka raadiyo, waxaan kale oo go'aan ku gaaray inaan Istar ku iraahdo Iska key
illow!, maadaama caafimaadkeeda uu wax walba ka weyn yahay haduu dhaqtarka
sidaa taagan yahayna ay isaga iska guursato, waa laga yaabaa in dad badan
ay ku fekeri lahaayeen inaan qaldanahay, balse wax walba waxaan u sameeyay
jaceylka aan ayada u qabay, iyo inaan doonayay inay indhaheeda u
wanaagsanaadaan, aniga oo sidaasi go'aan ku qaba, ayaan usoo dhaqaaqay
xaafadda Istar, si aan waxa dhacay oo dhan uga sheekeeyo.......... |