|
(Sheeko
Jaceyl)
Qeybtii
12-aad
Go'aankii
kaligii talisnimada ku dhisnaa ee aabahay uu qaatay, waxa uu aad u
dhaawacay qalbigeyga, waxa uu na mugdi geliyay hamigii aan tiigsanayay ee
ahaa inaan mar un arko Istar oo oorideeda noqota. Si kastaba go'aanka aabe
igama uusan reebin inaan wadadeeda kusii taagnaado.
Subaxii xigay,
ayaan aaday Istar, waxaana u sheegay kullankii aan wada qaadanay aniga iyo
dhaqtarka. aad ayay runtii u faraxday, kadibna waxaan u kaxeeyay xaruntii
dhaqtarka, markii aan geeyay oo uu arkay, nasiib wanaagsan waxa uu ii
sheegay in xaaladda indhaheeda wax laga qaban karo, islamarkaana aan heesto
muddo 20 maalmood ah inaan lacagta kusoo diyaariyo si howsha loo guda galo,
oo uu mudadaas wixii ka dambeeya dib ugu laaban doono dalka uu sanad kasta
ka yimaado ee Germany.
Intaa kadib inta
Istar aqalkooda isaga soo celiyay, ayaan anna gurigeena imid, waxaana kadib
bilaabay inaan ka fekero waxa aan sameyn doono iyo halka aan u baadi goobi
doono lacagta $1000 ee loo baahan yahay. Feker dheer kadib waxaa ii soo
baxay oo xal iila muuqday inaan iibiyo mid ka mid ah laba guri oo aan horey
uga iibsaday magaalada Muqdisho, si aan lacagta halkaasi kasoo baxda
dhaqtarka u siiyo.
Arrintii ayaan
kadib ku dhaqaaqay aniga oo aan cidna ogeysiin, waana ku guuleystay inaan
lacagtii helo oo aan iibiyo guriga muddo toddobaad gudihiis ah.
Subax ay ahay
Isniin, ayaa aniga oo isku diyaarinaya inaan kaxeeyo Istar oo aan dhaqtarka
aado, ayaa aabe ii yeeray, Waxaana uu igu yiri "haye waxaan rabnaa inaan
toddobaad kadib ka dhigno guurka adiga iyo Hani", aniga oo carro ay iga
muuqato ayaansae aabahaya ugu jawaabay "aabe horeyna waan kuugu sheegay
haddana waan kuugu celinyaa, marnaba guurkaas diyaar uma ahi", intaa kadib
aabahay aad ayuu u carooday, waxaana uu ku siktay inuu ii gacan qaado,
cabbaar ayuu iga aamusnaa, waxaana uu kadib igu yiri "laba mid aday dan kuu
tahay, inaad guurkaas ogolaato iyo in aniga iyo adiga aan is deyno",
xaqiiqdii jawaabta s'aashaasi aad ayay iigu adkaata,w axaana aabahy ku iri
" aabe aniga iyo adiga waxaan nahay dad is dhalay iyo wiil iyo aabihii,
arrintaas darteedna kuma kala go'i karno, si kastaba diyaar uma ihi
guurkaasi".
In cabaar ah
hadii uu aabahay aamusnaa ayuu igu yiri "marka horeba waan ogaa inaad sidan
oran doonto, hadaad dhiigeyga ahaan lahayd oo aan ku dhali lahaa sidan maad
sameyseen", xaqiiqdii erayadaasi waxay noqdeen falaar wadnaheyga ku dhacay,
waxaana la yaabay waxa uu aabe ula jeeday "hadaad dhiigeyga ahaan lahayd",
waxaan is wdyiiyay su'aalo ay ka mid ahaayeen " oo aabe kuma dhalin miyaa?,
mise sidan oo dhan carro ayaa ka keentay", hadana waxaan is iri "carro
haday jirto xitaaa hadaad wiilkeyga ahaan lahayd ma ayadaa gaareysaa?".
Xaqiiqdii waxaan halkaasi ka qaaday tuhun ku saabsan inaan ahay wiil uu
dhalay.
Aniga ii ilinta
ay iga qubaneyso ayaan aabe ka tagay, waxaana si deg deg ah u galay qol ay
hooyadey hurdeysay, intaan ka kiciyay, ayaan waxaan war uga bilaabay "Hooyo,
aniga, aabe ima dhalin miyaa?, ma aabe kale ayaan lee yahay, mise
labadiinaba ima dhalin", hooyadey jawaabtii aan ka sugayay waxa ay noqotay
ilin mar qura kasoo hoobatay, ku dhowaad 30 daqiiqo oo aan war ka sugayayna
waxaan xitaa ka waayay inay haa ama maya i dhahdo, anoo sidaas u niyad
jabsan ayaana isaga tagay.
Xaalad niyad
xumo, ayaa halkaasi igaga bilaabaty, cabaar ayaan oohin la fariistay deerka
gurigeena, waxaanse go'aan ku gaaray in waxay doontaba ha igu qaadatee aan
helo xaqiiqda rasmiga ah ee dhalashadeyda.
Si kastaba qalbi
xumadii aan subaxaasi qaaday igama reebin wax u qabashada Istar iyo inaan
caafimaad u helo indhaheeda, waxaana anoo arrinkaasi ka talaab qaadaya aan
horey usoo qaatay lacagtii indhaha loogu fiiqi lahaa, kadibna intaan
gurigooda tagay, ayaan soo kaxeeyay oo aan geeyay xaruntii dhaqtarka,
markaan u geeyay kadib ayuu yiri adiga banaanka iska tag howl galka ayaan
bilaabeynaa, "waa yahay" intaan dhahay ayaan iska soo baxay, cabaar hadaan
fadhiyay, ayaa waxaa soo baxday Istar oo ilemeyneysa, kadibna waxaan ku iri
"oo maxaa kugu dhacay", "aniga ma doonayo in indhaha la ii fiiqo" ayayna
iigu jawaabtay, "oo maxaa dhacay ayaan hadana ku iri "...........La soco
qeybta 13-aad berri insha allaah. |