|
Qeybtii
11-aad
Waxaan is tusay
inaan aabe ka qaato ama aan iraahdo i deymi, inkasta oo aanan ogeyn waxa uu
ka oran doono. go'aan ka qaadashada arrintaasi aad ayay iigu adkaatay,
maalmo ayaan waday fekerka ceynkaasi ah, intaana kuma aan guuleysan inaan
ku dhaqaaqo in aabe aan weydiiyo lacagta.
Wax uu xaalka
sidaa ahaadaba, Habeen Talaado ah, ayaa aniga oo sariirteeda isaga dul
fekeraya mar qura qaatay go'aan deg deg ah oo ahaa inaan arrinka aabe u
sheego, markaasaan usoo baxay deerka hore ee aqalka oo aabe uu isaga
leersanayay, hadaan dibedda soo istaagayba, waxa ay indhaheygu qabteen
adeerkey Xasan (Hani aabaheed), waxaan naxay naxdin tii ugu sareysay,
markaasaan qalbiga iska iri "oo goorma ayuu Italy kasoo laabtay", intaan
waxoogaa farxad iska muujiyay ayaan ku dhahay "Oow!, adeer goormaad soo
laabatay, waadba soo dhaqsatay, soo adigan waqtigii aad iman lahayd kasoo
hor maray?', "haa wiilkeyga howshii aan u baxay ayaa lix bilood dib loo
dhigay, marka galabta un baaba imid" ayuu isna iigu war celiyay.
Sheeko iyo isla
qosol dheer ka dib, ayuu adeer iska baxay, anigii iyo aabe ayaana isku soo
harnay, aniga ma dareensaneyn waxa ay ka wada hadleeen, waxaana is iri "koleyba
arrinta guurka kalama hadlin oo hadda ayuuba yimid, salaan un buu lasoo
baxay", aniga oo isla hadalkaasi ku maqan ayaa aaabe iugu yiri "haye
wiilkeyga maxaad la fekereysaa", intaan fekerkii kasoo laabtay baan ku iri
"haa aabe adigaa arrin kuugu socday", isna igama uusan waalin'e, waxa uu
iigu jawaabay, " ii sheeg wiilkeyga waxaan adiga kuu qaban waayay cid aan u
qabanayo ma jirtee?", kadib ayaan waxaan bilaabay inaan aabe u sheego
dhibka i heysta, Jaceylka aan u qabo Istar, iyo sida aan u rabo inana
caafimaad ugu helo.
Markaan intaas
iri, aabahay, waxa uu galay feker dheer, kadibna waxa uu iigu jawaabay "wiilkeyga
Xamza, qorshahaaga waa mid iska yara wanaagsan, waxna wada jeclaan kartaa,
laakiin aan su'aalo ku weydiiyo ee i dhageyso", "waa yahay aabe" baan ku
iri, kadiba waxa na dhex maraya su'aalahan iyo jawaabahan:-
Aabe: gabadha
yay tahay?
Aniga: Waa gabar
Soomalaiyeed?
Aabe: Soomaali
inay tahay waan dareemayaa'e ee cid ahaan yay tahay?
Aniga: taas
inaan weydiiyo waqti isagamaba lumin, gabadha waan jeclahay, hamigeegana
waa inaan helaa.
Aabe: oo sidee
qof aan la garaneyn ay reerkeena ugu soo biireysaa?
Aniga: Aabe, mid
aan isla fahano, aniga qofka aan jeclahay, ujeedkeyguna uu yahay inaan
guursado, waa Istar, ee ma ahan reerka ay ka dhalatay, ha wanaagsanaadaan
ama ha xumaadaan, waxba igama gelin, ee Istar waaye qofka aan rabo, waana
kaa hubaa waa qof wanaagsan.
Aabe: Waan ku
gartay, ka waran qoyska ay kasoo jeedo, ma yihiin kuwa ladan oo u dhigma
sumcaddeena.
Aniga: qoys
dhaqaale heesta maaha, laakiin qalbiga ayay ka ladan yihiin, oo wax dhib ah
ma heesto.
Aabe: sidee ayay
kula tahay marka in qofaaksi uu noogu soo biiri karo?
Aniga: aabe
gabadha anigaa guursanaya anigaana jecel, qoyskeena iyo sumcadiisana wax ka
galay ma laha?
Aabe: Xamza i
dhegeyso, gabar aan la garaneyn, islamarkaan aan noo qalmin, ayaan intaas
qarash ugu indho fiiqayaa, waana guur sanayaan wax aan kaa yeelayo ma lahan?
Aniga: ok aabe,
anaa qarashekyga meel kale ka raad sanayo.
Aabe:
qarashkaaga ma garanayo'e ee gabadhaas marnaba nama soo gasho, ma maantaad
noo keentay wax indhaha la' oo aan la garaeyn baan soo guursanaa?
Aniga: aabe waa
ku baryaaa gabahdhaas horteeda wax ha uga sheegin.
Aabe: hadal iyo
dhaamaantii, saad arkeysayba, waxaa hadda iga tagay adeerkaa, wuxuuna iila
yimid qorshe adiga iyo ina adeertaa Hani la isku kiin darayo, waana isla
meel dhignay ee arooskaas isku diyaari warka badan dhaaf'e.
Intaa kadib aabe
fadhiga ayuu igaga kacay isaga oo aan wax jawaab ah iga sugin, qorshihii
aan aabe ula tagay, isagaaba mid kale dul saaray, oo keygii ku baa bi'iyay,
waxa ay igu noqtay arrin aan aqbali karin, waxaana bilaabay inaa ka fekero,
wax aan ka yeelii doono hadalka aabe, koley inaan ku gacan seeraayo is
warsi ma lahayn'e, ee waxaan eegayay waxa iman doona Mustaqbalka......................
lasoco qeybta 12-aad insha allaah.
|