|
Qeybtii 8-aad
………Waxaan go'aan ku gaaray
inaan u sheego in qofka qalbiegyga ku weyn, laabteedana qaboojin kara ay
ayada un tahay, sidaas ayaana warka ku afgooyay.
Waqtiga wuu iska ordaa'e, waxaa la gaaray habeenkii ballanta ee aniga iyo
Istar, wa habeen aan ugu yeeray "Habeenkii Nolosheyda", waayo, habeenkaas
ayaa ahaa kii go'aamin lahaa ayaaha nolosheyda, yaan waxba hadal kugu
daalin'e, diyaar garow kii ugu xooganaa ayaan galay, waxaana abaaray
xaafaddii Istar, oo caadiyanba aan ku kulmi jirnay. Marklii aan xaafadda
tagay, waxoogaa cidda waan isbaranay'e qolkii ay igula kulmi jirtay ayaa la
igu yiri "horey usii gal", markii aan qolka galay oo aan dhaayo ka qaaday,
ayaa tii naxdin ahayd la igu hagoogay, "salaan sare dear Istar", ayaan ku
iri aniga oo salka sii dhiganaya, iyana "mid la mid ah Aboowe macaan' ayay
iigu war celisay.
Salaan kadib waxaa la guda galay sheeko iyo kaftan iska caadi ah. Hadii
daqiiqado sidaa lagu sheekeysanayay, ayaan bilaabay inaan kaftanka iyo
sheekooyinka caadiga ah kasoo weeciyo aniga, oo dhahaya "Istarey caawa, wax
aan kuu sheegi rabo!", "hee Aboowe, ma wax daran ayaa jira", ayay lasoo
booday, ayada oo aad moodo inay naxdin ka muuqato, markaas baan ku iri "haa
dhib ayaa i heesta", hadii aan intaas afka kasii qaadayay, ayay soo booday
oo ay soo istaagtay, ayada oo gacanta ila raadinyesa maadaam aysan wax arag,
aniga ayaa markaas inta soo istaagay madaxa gacanta ka saaray oo ku dhahay
"fadhiiso anaa kuu sheegayo'e".
Runtii markaan lahaa dhib ayaa i heesta, waxaan tijaabinayay halkan aan ka
joogo iyo sida dhibkeyga uu nolosheyda ku saameyn karo. waxaa halkaasi
igaga bidhaamay inay aad iiga wel weli lahayd haduu dhib i gaaro, taasi waa
astaan ka mid ah astaamaha muujinaya sida aan qalbigeeda ugu weynahay.
runtii waan farxay waxaana ii sii muuqday sida ay ka yeeli doonto arrinka
aan u wado.
Markaa kadib ayaan u holladay inaan warka daaha ka rogo, aniga oo oranaya "istarey,
ka waran Xamza oo dhib soo gaaray maxaad ku caawin lahayd", Jawaab ayaan ka
filyay'e, ayada oo aad moodo inay naxdin iyo carro isku darsatay ayay igu
tiri "waan ku baryayaa Xamza ayaa dhib gaaray mar kale ha igu oran, oo
hadalkaasi qalbigeyga ma xamili karo macaanow", "Ok, mar dambe kuma oranayo,
laakiin waad u gar gaari lahayd baan filaa' ayaan hadana ku iri, "dabcan,
taas is warsi ma laha" ayay iyana iigu jawaabtay.
Farxaddii ayaa igu sii korartay waxaana ii muuqatay guusha nolosheyda,
markaasaan warka si cad dabookla uga qaaday, waxaana ku iri "Istarey, horta
aduun intaad joogto wax walba waa la fishaa, qofkana dhib kasta wuu la
kulmaa, laakiin dhib qof soo gaara wxaaa ugu xun mid aan dawo lahayn, oo
xitaa hadii aad qarash kasta bixiso aadan xal u heli karin, taasi waa marka
noloshaada ay ku xiranto qof kale, si kasta oo aad yeeshana dhaawaca
qalbigaaga soo gaaraya ma daweyn kartid ilaa qofkii aad ka heshay uu wehel
kula soo noqdo, hadaan si kale u iraahdo waa marka aad qof jeclaato, runtii
aniga hadda jaceylkii ayaa i galay, oo waxbaan jeclaaday nolsheydana waxaa
farxad u ah qofkii laabtu ay rabootay oo u yimaada, qofkaasi qof kale maaha
ee waa adiga Istar ah, Istar waan ku jeclahay abaayo, waxaana ku dawoobi
karaa oo kaliya adoo caashaqa ila daa dihiya, qalbigaagana i dhex dhiga'.
Ilin, ayaa durbadiiba kasoo hoobtay, waxaana iyada oo hadalka la qar
qareysa ay igu tiri "een eeen ....Xamza, waxaad tahay qofkii ugu horeeyay
ee kalsooni iyo farxad i tusa, islamarkaana ii muujiya in dunida guudkeeda
ay weli saaran yihiin dad bani aadannimada ay ku dambeyso, mana eegan karo
dhibkaaga, laakiin macaanow aniga kuuma qalmo, sidaad aragtana, indhaha
ayaan la' ahay kumana siin karo farxadda aaad ka heli karto gabdhaha
dhaayahooda qaba, ee macaanow, waan ku baryayaa noloshaada mugdi ha u
horseedin, aniga kaliya ha igu koobnaato nolshan qaraarka badan iyo mugdiga".
hadii ay intaa i tiri, ayaan markeygii hadalka qaatay, waxaan ku iri "haye,
ma sheekadii niyad jabka ayaad bilowday, soo kuma oran waxaas iska ilow, si
kastaba ogow in hadaan ku waayo xitaaa nolosha mugdiga ah aan seegi doono,
oo aan adduunka isaga tagi doono, ee Istar ma gacan qabatay mise?", "maya
aboowe saas ha sameyn" ayay hadana i tiri, ayada oo sii raacineysa "inaad i
fahamto isku day, waxaan kaa fogeynayaa nolol dhib badan, waayo waxaad
tahay qof igu dheer kuumana rabo rafaad inaad cimragaaga ku dhameysato".
Runtii in badan ayay isku dayday, inaan iska ilaawo jaceylka aan u hayay,
waan dareemi karay inay iyaba i danayn lahayd, balse ay is leedahay wiilka
dhib ha u horseedin, kama aanan yelein'e, waxaan hadana ku iri "Nolsha
dhibka badan waxay ii bilaaban doontaa marka aad adiga i deyriso, ee i
gacan qabo, markaas ayaan labadeenaba farxad deris la noqon karnaa'e",
intaa kadib ayaa ayada oo dhulka hoos u eegeysa misna xishood uu ka muuqdo
ay igu tiri.......... lasoco qeybta Sagaalaad berri insha allaah.
|