Inta doqon
fariid yahay,darajana qabiil tahay, dabaalna uu
wax garad yahay
,dambiilane garsoor yahay,dulmine xaqa ka mudan
yahay,dib u socod kacaan yahay
,dablene janan ka adag yahay, in aan tiriyo
deeleey dareenkeeyga ma ogola, ( Waa
erayadii abwaankii Cabdulle Raage Ilaah u
naxariistee mar hada laga joogo kudhawaad
30 sanno)
Cabdulle Raage waxaad moodaa in u ka had-laayay
xiliga maanta iyo sida foolxumada
leh ee loo galaayo somalida,sow hada nama
haystaan doqono dalka gatay,sow darajo
qabiil ma noqon,sow moryaanta Maquuste kama adka
cidwalba,sow dulmiga iyo gumeeysi
ma imaan.
Waxaan soo gocday oo aan soo xusuustay tixdii
abwaankii weeynaa ee Maxed Ibraahim
warsame(Hadraawi)xiligii s.n.m ta ugu jirtay ka
xoreeybta taliskii Siyaad Bare
gobolada waqooyi, mar kuu lahaa:Anigoo wax dili
kara,duco qaadan maayoo,nolol kuma
dardaarmee,haba diirran noloshoo,danba haw
gilgilatee,aaway dawladdii xamar? waxaad
moodaa in weli xamar eeyan aheeyn goob degan oo
xasiloon,halka maanta eey xasilan
tahay Hargeeysa ( waa Ilaah mahadii ) waxaa kale
oo uu yiri: Inta lagu
dekeeyiyo,Inta lagu dingiigsado Inta daabac lagu
dhigo,Inta durraaxad lagu simo,adaa
dawladee guro.sow hada ma moodid in suuqa
Bakaaraha iyo midka suuq Bacaad in uu rabo
in uu Maquuste biliqeeysto Xaqiiqdii abwaanka
waxaa uu tilmaamayay dowladii Siyaad
Bare balse xiligaan aan maanta ku jirno ayaa
mudneeyd in abwaanka uu sii wado kana
gabyo foolxumada iyo gumaadka uu wado Maquuste
waxaa uu yiri:Haddaan deebta
gumuciyo,Lagu guban dabkaan shido,Duhur laysla
wada jiro,Haddaan guusha lay
deyn,Alley-lehe docdaydii Ha Goblamo dad
weynuhu,Hawiye iyo Digil iyo Mirif gumaadka
lagu wadaa in eey ka gilgeshaan sow ma
qumana,Puntland iyo somaliland Ethiopia lama
dulgeeyn maxaa koonfur cadowga somalia loogu
gumaadayaa,abwaamka waxaa uu yiri :Inta
qaran dhiskiisiyo Dhidibkiisu taagnaa Dheeraad
nin dooniyo Nin ku dhega xaaqiisoo
dhacsanaayey baa jirey sow xaq maaha in Hawiye
iyo Digil iyo Mirif in eey dhacsadaan
xaqooda noqdaan dowlad goboleed la mid ah
Puntland,maxaa keenay in ciidamada
Puntland eey ka howgalaan Muqdisho halka gobolka
eey ka yimaadeen eeyan ka howlgelin
reer koonfur,waxaa uu yiri abwaanka:Aqalada
derbiga dheer,Haddaan daaqad laga
gelin,Ninka dabin ka boodka ah,haddaan diirad
lagu helin, haddaan duubka gogoshiyo
lagu dhuuman dalowyada,sow abwaanka waxa uu
sheegay kama jiraan xamar,waxaa la
joogaa in guryaha loogu dhaco dabadhilifyada
Tigreega iyo huwabta la joogto
xamar,somali waa kala dhilantay cid isku soo
celin kartana ma jirto waayo lama hayo
magaca soomali,waatan Puntland iyo somaliland
eey goéen beri hore welise waxaad
moodaa in reer koonfuri eeyan garan shaxda
Maquuste iyo huwanta eey wadaan,waxeey
aniga iyo inta damiirka reer koonfur uu ku
danbeeyo eey nala tahay in umada eey
tashato sida ugu dhaqsiyaha badan,waayo ma mudna
in nalagu qaldo qaran ayaan
dhiseeynaa iwm,qarankii soomaali kala tag beri
hore ee Maquuste waa in uu ku noqdaa
dhulkiisa iyada oo eeyan baryo aheeyn,doqonada
daba joogana waxaan lee-yahay
Ilaaheey ha garadsiiyo shaxda socota darajo aad
dadkiina ku xasuuqdaan kuma
gaareeysaan sharaf iyo cisi xag aduunyana waxaad
mudateen foolxumo xag aaqirana
Ilaah baa garan kara waxa aad mudan doontaan
balse sida aad ku socotaan ee ah diin
la diriri ma wanaagsana,sow Maquuste iyo Geedi
magan uma ahan Ethiopia xiligaan,alow
sahal umuuraha.
Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com