Xog.ganacsato soomaliyeed oo passporadii lagaqaaday magaalada ka dib fashil–




Sharing is caring!

To: dowladafederalka ee somalia
To:Somalia media
To: kooxda dabagalka UN ka
To: xukuumada Dubai
To.safaarada imaaradka ee Somalia.

 

Xog.ganacsato soomaliyeed oo passporadii lagaqaaday magaalada Dubai kadin markii lagu eedeeyey in ay UN ta ugudbiyaan sawirada iyo macluumadka dhuxusha tahriibka ah ee habeenkii dekada xamriya/Dubai sida qarsoodiga ah loogadejiyo.arintaas ah been abuur cad oo aan saliyo raad toona lahayn

Waxay ahay 25/03/2017 markii uu dhuxul tahriibiyaha weyn Bashir khalif muuse (Bashir dhere) isugu yeedhay ganacsato badan oo somaliyeed xafiiska ninkaay ay aadka usugu dhow yihiin ee Abdi Nasser Ali Adoon magaalada dubai. Halkaas oo ganacsata loogu sheegay in la sameeyey shirkada la yiraahdo all star company oo dhuxusha ka soo daabulasa kismayu iyo burgaabo.

Wuxuu sii raaciyey Bashiir “All Star waxay noqontay shirkada keliya ee la ogolyahay in ay dhuxul ka soo dhoofiso kismayu iyo buurgaabo sidaa daraadeed waxaan ganacsataada somaaliyeed ee dhuxusha danaynaysaa ka codsanayaa in ay shirkadan kusoo biiraan nin kiishirkada diida waxay is arkayaan ninkii madoobaa ayuu sii raaciyey” kaas oo uu ula jeedo nin amniga Dubai qaybta Somalia qaabilsan oo caadaystay masaafurinta iyo cagajuglaynta ganacsatada soomalida ee Bashir iyo Abdi Nasser Ali Adoon ka horyimada.ninkaas oo shaqadaa ku qaata 2 dirham kiish kii dhuxul ah ee dekeda xamriya laga tahriibiyo.

shuruudaha laga rabo qofkii star company ku soo birayaa waa sida soo socota.ayuu siiraaciye Bashir Dheers

1.in qofkii doonaya in uu shirkada ku soo biiro laga rabo in uu gato am a iibsado ugu yaraa hal share oo qiimihiisu yahay $150,000

2.in qofka doonaya in uu shirkadan ku soo biiro laga rabo inuu bixinayo qaybta kaga soo aadasa $3000000 oo horumarin ah oo la siiyey maamulka iyo alshabab..
1) Maamulka kismaayu waxaa loo hormariyey $2100,000/ si aysan cidkale ugu ogolaan in ay dhuxul ka dhoofsadaan dekeda kismayu iyo burgabo.

2)alshabab waxaa la siiyey $900,000 si aysan carqalad iyo jidgooyo ugu dhigin dhuxusha kismayu iyo burgabo soogelaysa ama imaanaysa maadaama ay iyagu haystaan dhulka dhuxushu ka timaado intiisa badan.

3.maamulka shirkada all Star waxaa haynaya oo masuulka noqonayaa bashir Khalif muuse iyo Abdi Nasser Ali adoon oo ah aasaasayaasha All Star Company, iyadoo xisaab xidhka la samyn doono 6 dii biloodba halmar Mar.

Sikastaba ha ahaatee shirkadaa waxaa si cad uga soo horjeestay ganacsatii somaliyeed ee arinta loo soo bandhiga.maalintaa kadibna waxaa kadhex bilooday ganacsatii khilaaf iyo kala shaki.

Taariikhdu markay ahayd 10/05/17 waxaa arinta si toos ah usoo dhexgalay ninkii madoobaa ee Bashir Dhere sheegayey ninkaas oo passporadii ka uruursaday dhamaan dadkii Bashir iyo A.Nasser fekradooda kahoryimi oo gaadhaya ilaa 7 ganacsade. ninkaas Amniga sheeganayaa ayaa gacansatadaa ku ciqaabay Luna hadaday xafiiskiisa muraaqabaadka isagoo xataa udiiday in uu siiyo wax cadayn ah oo muujinasa in uu passporadoodii is qaatay.ugu danbayntiina wuxuu ku wargeliyey ganacsataa in ay wadanka iskaga baxaan.

Ninkaas oomagaciisa kusoo gaabiyey AbuAbdullah wuxuuganacsataa weydiiyey halsuaalo oo isku mid ah

Q1.maxaad dhuxusha somaliga ah ee xamriya lagu dejiyo habkiin u sawirtaan oo Kooxda dabagalka dhuxusha ugu dirtaan?

Ans.anagu mabanaqaano kooxda dabagalka dhuxusha weligayana lamanan kulmin wax macluumaad ah maanan siin.

Q2.Bashir iyo Abdi Nasser mataqaaniin? maxaadse ulashaqayn weydeyn?

Ans.waa naqaan waxayna kashaqeeyaan shaqo qayr sharci ah sidaa daraadeed lama shaqaynayno.

qaar ka mid ah ganacsata soomaliyeed oo arinta aad ula socday ayaa sheegay in ganacsataa lagu eedeey in ay warka siiyaan kooxda UNKa ee dabagalka dhuxusha ee fadhigoodu yahaynairobi.arintaas oo ah been abuurcad oo ladoonayo in ganacsataa lagu dulmiyo oo wadanka looga masaafuriyo si Bashir keliya suuqa dhuxusha oo ugu soo hadho.

Iskusooduub,waxaa meeshan ka dhacay sedex arimood oo yaableh

1-Amnihayihii oo Amnigii burburinaya…dhuxusha soomalidu waa mamnuuc waraaqaha lagu soo geliyaana waa waraaqo been abuur ah intabadan waxaa ladejiya wakhtiga habeenkii taas oo usahli karta dadka arintaa faraha kulajira in ay arimo kale oo khatar ah ku sii dhiiradaan maadama aan wax baadhitaan ah aysan kabaqayn.ninkii amniga ahaa ayaa gacansiinaya amnidaradii isagoo ka doorbidaya shillimo laaluushah oo uu tahriibiyayasha kahelo.

2.ilaalintii Amnigii wadanka oo lacag lugu bedeshay.sidas daraadee waa in dooladala UAE la ogaysiiyaa khatartan meeshaa ka imaa karta iyo sida masuuliyintaasi amniga iyo customku u fududaystee dejinta Doonyo iyo maraakii dhuxusha sida ee habeenkii laga dejinayo dekedada xamriya kuwaas oo aan wax baadhitan ah lagusameeyn wax aysidaana aan cidina aqoon.

Waxaanu dhakso idiinku soo gudbinaynaa waraaq cadaynaysa heshiish kii nimanka dhuxusha tahriibiyaa ku saxeexeen xafiiska cabdi nasir cali adoon ee magalada Dubai.waxaanuna ka codsanayaa mediaha somalida inuu maqaalkaa daabaco gaadhsiiyana meelkasta oo aykhusayso si musuqmaasuqaa iyo dhlimkaa loo fashiliyo.

By Xuseen Geelle Rooble

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com