Maamulka Gobolka Banaadir oo diiday eedeyn UNHCR

Mareeg.com: Maamulka gobolka Banaadir ayaa beeniyey warbixin ay dhawaan soo saartay Hay’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR, oo ay ku sheegtay in ku dhawaad 28 oo barkacayaal uu maamulka ka kiciyey deegaandii ay Muqdisho uga noolaayeen.

War ka soo baaxay maamulka gobolka Banaadir oo uu ku saxiixnaa gudoomiyaha gobolka Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u qornaa sidan:-

War Saxaafadeed

Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka jawaabayaa warbixinta laba-biloodlaha ah (January iyo Feberuary 2015) oo ay soo saartay Haya’dda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR ku saabsan Barakacayaasha ku sugan Magaalada Muqdisho. Warbixintaas waxaa lagu sheegay in tiro lagu qiyaasay 27,500 (Todobo iyo labaatan kun iyo shan boqol) oo barakacayaal ah si qasab ah looga saaray goobo ay kaga sugnaayeen Magaalada Muqdisho labadii bilood ee ugu horreysay sanadkaan 2015.

Waxaa kale oo ku xusan in 10,200 (Toban Kun iyo Laba boqol) oo barakacayaal ah ay haatan khatar ugu jiraan in xoog looga saaro xarumo ay ka deggan yihiin magaalada Muqdisho.

Haddaba Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu caddeynayaa in uu qoraal u qoray  25 Marso 2015, Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR waxaana looga baahanyahay  in ay cadeeyso halka ay qoraalkaas ka keentay ilaha ay warkaas ka soo xigatay iyo goobaha dadka laga barakiciyey  degmooyinka ay ku yaalaan,Sidoo kalana Maamulka G/banaadir wuxuu xooga saaray in la isku celiyo Hantida lakala heysto waaa waajib saaran maamulka G/banaadir Xamar ah caasimadiina guryo laguma kala heysan karo,

Sidaa darteed Maamulka  Gobolka Banaadir waxa uu caddeynayaa

  • In aysan jirin Barakacayaal ku nool Magaalada Muqdisho oo si qasab ah looga saaray goobihii ay ku sugnaayeen. Haatanna, Maamulka Gobolka Banaadir uma qorsheysna in Barakacayaal si qasab ah looga raro degaannadooda.

  • Waxaan Si cad u beeninaynaa in warka kasoo baxay Hey,adda Qaxootiga qaramada Midoobay ee UNHCR waa war aan sal iyo raad toona laheyn waxaan ugu baaqayaa in ay ka fiirsato qoralka ay sameynayso marka ee ka hadleeso arin ku saabsan magalada Mogadishu.

  • Gobolka Banaadir diyaar ayuu u yahay mar waliba in uu u fududeeyo Barakacayaasha wixii tas-hiilaad ah ee loo baahdo markii ay timaado in laga raro goob ay degganayeen iyo in uu gacan ka geysanayo sugidda aminoogada iyo dib udajintooda.

  • Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu ugu baaqayaa Hey’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR in ay ka feejignaato ilaha ay warka ka qaadaneyso ayna ka dhowrsato faafinta war aan caddeyn loo hayn. Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu soo dhoweynayaa xiriir xogwadaag iyo wadashaqeyn oo uu la yeesho Hey’adda Qaxootiga ee Qarmada Midoobay, ee UNHCR  mar walibana diyaar ayuu u yahay maamulka Gobolka Banaadir wada shaqeyn buuxda.

Mahadsanidiin 

Jeneral Xasan Maxamed Xuseen  (Mungaab)

Gudoomiyaha G/Banaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho.

Sharing is caring!

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com