Wadahadalkii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo burburay




Sharing is caring!

Mareeg.com: Wadahadalkii la doonayey inuu shalay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga furmo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa lagu kala tegay, iyadoo aan la isisoo hor fariisan.

Sababta burubrka wadahadalka ayaa aheyd maamulka Somaliland oo shuruud ku xiray xubnaha wafdiga dowladda Soomaaliya matalaya.

Maamulka Somaliland ayaa dalbaday in liiska wafdiga Soomaaliya laga saaro ilaa 4 xubnood oo ay sheegeen iney kasoo jeedaan dhanka Somaliland, balse ka mid ah dowladda Soomaaliya.

Magacyada xubnaha maamulka Somaliland dalbaday in shirka laga saaro ayaa kala ah: wasiirka warfaafinta ee dowladda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Cali Axmed Jamac Jangeli Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada, Saciid Qoorsheel iyo Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xildhibaan Cilmi.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay ineysan badeli doonin xubnaha wafdigeeda, taasina waxey keentay inu kulanku furmi waayo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka Somaliland ku eedeynaysa inay mas’uul ka tahay burburka wadahadallada kadib markii ay Somaliland ku adkaysatay inaysan la fadhiisanayn xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee ku jira ergada Federaalka.

Labada wafdi ayaa weli ku sugan dalka Turkiga, lamana oga in xal la heli doono iyo inkale.

Mareeg Media

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com