Kumanaan Arday Ah Oo Maanta U Fariistay Imtixaanka Mideysan Ee Dowlada Soomaaliya

Sharing is caring!

Inkabadan 23-kun oo Arday Soomaali ah oo ku kala sugan Gobolka Banaadir iyo Gobolada dalka ayaa maanta u fariistay Imtixaan mideysan oo ay qaadayso Dowlada Federaalka Soomaaliya sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in Ardayda Imtixaanaadka galeysa loo diyaariyay goobo kala duwan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaaliya waxaana aad loo adkeeyay ammaanka goobaha Imtixaanaadka lagu qaadayo.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Dalladaha waxbarashada ayaa horay ugu heshiiyay in si wadajir ah loo qaado Imtixaanaadka mideysan.

 

Next page

About waashiton 783 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia