Heshiis milateri oo dhexmaray Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta

Mareeg.com: Dowladaha Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka carabta ayaa xalay heshiis milateri ku kala saxiiday dalkaas, kadib kulan dhex maraya wasiirka arrimahada debadda Imaaraadka Sheikh Cabadalla Bin Zayid Alla Nahyaan iyo wasiirka difaaca Soomaaliya, Maxamed Xasan Xaamud.

Wakalaada wararka dalka Imaaraadka ayaa sheegtay in labada dal kala saxiixdeen heshiisyo milateri iyo kuwa amaan inkastoo aysan sheegin wax ka mid ah qodobadii lagu heshiiyey

Dowladda Imaaradka Carabta ayaa Soomaaliya ka wadday mashaarcii kala duwan, iydoo sido kalana horay u bilowday qorshayaal lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya.

Mareeg Media

 

Sharing is caring!

View All

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com